Lix Calaamadood Oo Uu Qofku Ku Garan Karo In Hurdadu Ay Ku Yar Tahay Iyo Natiijada Ka Dhalata

0
541

Picture9Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa aynu ku eegaynaa lix calaamadood oo qofku uu ku garan karo in jidhkiisu uu hurdada qawadayo:

– Go’aan qaadashada oo kugu adkaata: Jidhku marka uu hurdo la’aan dareemayo waxaa uu culays badani fuulaa maskaxda qofka, sidaa darteed waxaa ku adkaata in uu qaato go’aamada xitaa kuwa aan fikirka u baahnayn ee nolol maalmeedka caadiga ah ka mid ah. Sidoo kale waxa ay maskaxdiisu lumisaa awoodda dabiiciga ah ee ay u leedahay in ay kala garato macluumaadka muhiimka ah iyo kuwa aan xidhiidhka la’ lahayn. Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in hurdo la’aanta oo qofka ku sii badataa ay aakhirka keento in uu go’aamo qaldan qaato, taasina halis ku tahay shaqadiisa ama barnaamijyadiisa kale.

2. Gaajo badan: Jidhku hurdada waxa uu ka helaa tamar, haddii uu hurdada waayana waxa uu inta badan raadiyaa meel kale oo uu ka helo tamarta ka maqan, sidaa awgeed waxa uu kaalintaa ku buuxiyaa in uu cunto raadiyo, waana sababta keenta in qofka hurdadu ku yar tahay uu gaajo badan dareemo. Cuntada badan ee uu gaajadaa darteed u qaadanayaa waxa ay keentaa in miisaankiisu aad u kordho. La soco…