Xildhibaankii Abaabushay Mooshinkii Cardiff Ee Aqoonsiga Somaliland Oo Difaacday Eeddo Ay Kooxo Soomaali Ahi U Jeediyeen

0
539

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Lynda Thorne, oo ah mudane ka tirsan golaha deegaanka Cardiff ee Ingiriiska, ahaydna xildhibaanadii soo abaabushay mooshinkii uu golaha deegaanka magaaladaasi ku aqoonsaday Somaliland, ayaa difaacday go’aanka uu golahaasi ku aqoonsaday Somaliland.

Shabakadda wararka ee walesonline, ayaa shalay baahisay warbixin ay qortay oo ay ku soo xigatay dad Soomaali ah oo ku eedeeyay golaha deegaanka Cardiff inay dhex galayaan siyaasadda Somaliland iyo Somaliya, iyagoo golahaas ugu baaqay inay ka shaqeeyaan arrimihii loo doortay. Hase yeeshe xildhibaanada ayaa difaacday eedda loo jeediyay golaha deegaanka Cardiff, waxaanay sheegtay in mooshinku ka dhashay warbixin ay diyaariyeen kooxo siddeed sannadood ka hor safar ku tagay Somaliland.”Mooshinku wuxuu ku salaysnaa taageerista Dimuqraadiyadda iyo siyaabaha looga caawin karo Somaliland inay aqoonsadaan Qaramada Midoobay, loogana abuuri lahaa halkaas [Somaliland] iyo Soomaaliyaba horumar.”

Xildhibaanadu waxay ugu dambayn tidhi, “Ma filayo inaanu dhex galnay [siyaasadda] waxa weeye in taageero la siiyo qayb badan oo ka mid ah bulshada Cardiff. Anagu gole deegaan ahaan awood uma lihin inaanu aqoonsano Somaliland, laakiin waxaanu isku dayaynaa inaanu  ka caawino bulshadaas inay taageero ka helaan Qaramada Midoobay iyo dawladda Ingiriiska. Waa talaabo yar oo wakhtigeedii la qaaday.”