Dawo-Guri Aad Kula Tacaali Karto Cabudhka Sanka Oo Xilliyadan Oo Kale Bata (2)

0
1665

Picture8Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayeu dhowrka hab ee iyada oo aan dhakhtar iyo dawo kiimiko ah loo baahan lagula tacaali karayo cabudhka sanka:

Toonta:

Toontu waxa ay ka mid tahay dawo guriga ugu fiican ee lagula tacaali karo cabudhka sanka. Toontu waxa ay liddi ku tahay fayraska, waxa aanay la dagaallantaa jeermiska iyo bakteeriyada, sidaa awgeed waxa ay si weyn u caawisaa awoodda uu jidhku u leeyahay in uu la dagaalamo caabuqa ku dhaca hab-dhiska.

Habka isticmaalka: Laba ama saddex xabbo oo toon ah ku kari koob biyo saafiya ah, kadib maalin kasta hal mar cab illaa inta uu cabudhku tegeyo. Sidoo kale toonta cunisteedu iyada oo kelideed ah ayaa ay qofka ka yaraysaa cabudhka iyo raaxo xumada hurdo ee ka dhalata.

Uumiga:

Qofka oo isku uumiya biyo kuli waa dawo guri kale oo dad badaniba yaqaannaan in ay si dhaqso ah u jebiso ama u yarayso cabudhka. Uumigu waxa uu yareeyaa malaxda, waxa aanu wanaajiyaa hab-sami u shaqaynta hab-dhiska neefsiga. Qofka aad u cabudhsan waxaa u fiican in uu ugu yaraan laba illaa afar jeer maalintii uu biyo kulul isku uumiyo.

Digniin: Si guud khubarada caafimaadku kuma taliyaan in carruurta yaryar biyo kulul lagu uumiyo, iyada oo sababtu tahay in ay gubtaan awgeed. Sidoo kale uma fiican dumarka dhiig-karka lihi marka ay uurka leeyihiin, ama dumarka wadne xanuunka iyo xanuunnada neerfayaasha lihi marka ay uurka leeyihiin.

Filfisha:

Filfishu waxa ay faa’ido u yeelan kartaa yaraynta cabudhka iyo guud ahaanba xidhan dulalka sanka. Filfisha oo la ursadaa waxa ay sababtaa hindhiso, taas oo sabab u noqota in marinnada sanku iska soo nadiifiyaan duufka ku ururay ee sanboorku keeno.

Habka: In yar oo filfil bodo laga dhigay ah ayaa lagu shubayaa sacabka gacanta, kadib waxaa lagu darayaa saddex dhibcood oo saliid macsaro ah, kadib inta la is dhex geliyo ayaa sanka la saarayaa oo dib neefta loo nuugayaa. Waxa ay keenaysaa in qofku u uaad u hindhiso, taasina waxa ay yaraynaysaa cabudhka. La soco…