Fadhiga Golaha Guurtida Ee Axada Beri, Natiijo La’aanta Kulamadii Shirguddoonka Guurtida Iyo Beesha Caalamka & Labada Qodob Ee Horyaala

0
557

Picture5Hargeysa(Geeska)-Fadhigii golaha guurtida ee loo balansanaa Sabtidan maanta ayaa u baaqanaya maalinta shaqaalaha adduunka ee 1 May oo ay dawladda Somaliland maanta u soo wareejisay ka dib markii ay ku beegantay jimcihii shalay.

Fadhigan oo ah mid xaasaasi ah ayaa la filayaa inuu Axada beri furmo, waxaanay golaha guurtidu gudo galayaan mawduuca xaasaasiga ah ee muddo kordhinta Madaxweyne Siilaanyo. Xildhibaanada guurtida ayaa kala wata laba aragtiyood. Qaar ka mid ah ayaa soo jeedinaya in la saaro guddi ka tirsan golaha guurtida oo soo ururisa aragtida guud ee dhinacyada ay arrintani khusayso, halka ay xildhibaano kale wataan in duuduub lagu gudo galo arrinta muddo kordhinta maadaama oo uu distoorku awood u siiyay, waxaana labadan aragtiyood midkood la qaadan doonaa Axada beri oo uu fadhigu furmi doono. Geesta kale, sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika qaar ka mid ah wadamada caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland ayaan natiijo ay ku farxaan aan kala kulmin kulamo ay la yeesheen shirguddoonka golaha guurtida oo ay doonayeen inay ugaga digaan inay sameeyaan muddo kordhin ka baxsan wakhtiga ay guddiga doorashooyinku cayintay ee ah 1 June 2016, soo jeedintaas oo la sheegay inay shirgudoonka golaha guurtidu ka gaws adaygeen kuna adkaysteen inay si madaxbanaan u gudan doonaan waajibaadka distoorku siiyay, waxaana la aaminsanyahay in dhambaalada ay beesha caalamku soo saaraysaa ay ka dhasheen kulamadaas aan guulaysan. Si kastaba ha ahaate shacabka iyo beesha caalamka ayaa indho gaar ah ku haysa muddo kordhinta ay golaha guurtidu samayn doonaan, waxaana la filayaa inay inta ka horaysa 18 May ay sameeyaan muddo kordhin madaxweyne iyo ku xigeen.