Macallimiinta Ingiriiska Oo Ka Digay Khatarta Amar Xukuumaddoodu Ku Farayso In Ay Ardayda Basaasaan

0
657

London (Geeska)- Jimciyadda macallimiinta dalka Ingiriiska ayaa si adag u cambaareeyey amarro ay xukuumadda Ingiriisku ka soo saartay ka hortagga waxa ay ugu yeedhay xagjirka ka jira dugsiyada iyo xarumaha waxbarashada, waxa aanay jimciyaddu ka digtay in macallimiinta oo lagu qasbo in ay basaasaar ardaydoodu ay cawaaqib xumo ku keeni doonto waxbarashada.

Bayaan ay soo saareen macallimiintu ayaa ay ku sheegeen in amarrada dawladda Ingiriisku ay ku farayso basaasidda aragtiyaha xagjirka ah ee ardaydoodu ay cidhiidhi iyo cabsi ku keeni doonaan ardayda muslimiinta ah, taas oo qasab kaga dhigta in ay ku dhiirran waayaan dhexgalka iyo la macaamilka macallimiintooda.

Dawladda Ingiriiska ayaa dhowaan soo saartay amarro hor leh oo macallimiinta ku qasbaya in ay basaasaan ardayda, booliiskana la socodsiiyaan fikirrada xag-jirka ah ee ay ardayda ku arkaan xilliyada doodda galaaska ama ardayda dhexdooda lagu jiro. Alex Kenny oo ka mid ah macallimiinta Ingiriiska ee jimciyaddan ku bahawday ayaa mar uu fikirkiisa ku aaddan sharciga cusub ka hadlaya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaa dhacday in ardaydii ay dugsiyadii yimaaddeen iyaga oo iska ilaalinaya in ay macallimiinta sheeko wadaag la noqdaan, wax xidhiidh ahna la sameeyaan. Ardaydii oo iska ilaalinaysa in ay macallimiintooda kala sheekaystaan oo kala doodaan waxa dunida ka dhacaya oo dhan”