Macalimiinta Jaamacaddaha Maxaa Ka Hortaagan Iney Noqdaan Shaqqale Joogta Ah (Permanent Staff)

0
845

Picture1Macalimiinta ka shaqeeyaq jaamacaddaha dalku waxay u badanyihiin shaqaale aan joogta ahayn. Waxay wax ku hellaan oo wax loogu gooyaa haddba tirada fasalada ay dhigaan intay le’egyihiin.  Kala sareyn ama kala mudnaan ay waxqeybsiga ku gallan ma jirto, nin wal baana wixii ku soo hagaaga ayuun buu qaataa oo ku samraa. Fasalka ama galaaska uu uu macalin qaato (hal, laba, saddex iwm) waxaa loo xisaabiyaa bishii boqol dollar , oo uu ku jiro nooligii sii socod iyo soo socodkuba.

Daryeel kale iyo hiigsi nololeed oo uu macalinku leeyahay meela kama jirto jaamacaddahaasi, sida xaq uu hello marka uu shaqada ka fadhiisto amaba ay duruufo kale oo adagi soo food saaraan. Sidoo kale wax lacag ah oo uu hella wakhtiyada fasaxa ma jiraan. Macalinku waa midiidin si fudud loo eryi karo, marka la doono. Sidaasi ayuu ku tagaa, mana  hello meel uu u dacwoodo haddiiba uu is yidhaaho dulmiga ka dacwood. Maxaa se wacay inuu macllinku sidaa u dulmanaado? Sababo badan ayaa jiri kara, ha yeeshee tan ugu darani (Immediate cause) waa tacadiga ay u geystaan maamullada jaamacaddaha ka jira,  ha noqdaan qaar dawaladu leedahay amaba qaar gaar loo leeyahayba e. Waa mide , marka hore hadafka maamulada ay u aaminsanyihiin baa ah mid dhaqaale ku salaysan ama faa’ido doon ah. Mid iyo laba way ka duwanaan karaan, ha yeeshee badankoodu waxay jaamacaduhu u yihiin maamulladaa illo dhaqaale  oo ay u madaxbanaan yihiin. Waxa uu maamuladaasi hamigooda ugu weyni yahay iney waxa soo gelayaa ay bataan waxa ka baxayaana (Oo u  badan xuquuqaha uu macallinku leeyahay) ay yaraadaan. Waa ta labaade, macallimiinta oo ah barbaariyayaasha ubadka iyo soo saarayaasha dhaqaalaha (University revenues) jaamcadduhu ku shaqeeyaan waxay ku guulgareysteen (Sanadkan ka hor) in ay is nidaamiyaan oy xuquuqdooda ku doontaan hab urureed , kaasoo uu distoorkuna u ogol yahay. Tafaraaruq iyo asqo ayaa ku dhacday, waana laga faa’idaystay iney sida ururada kale dantooda iyo tan umaddaba  uga shaqeeyaan. Hadayba se hore isugu dayeenna iney is-hagaajiyaan, maamulada jaamacaddaha ka jira ayaan faraha ka deynin, saa isu tagooda daniba  uguma jirto ‘e. Waa ta saddexaade Komishanka Tacliinta sare  iyo guud ahaan saraakiisha kale ee Wasaarada Waxbarashada  ayaa maamulada jaamacaddaha  kaantarooli waayey oo u fududeeyey iney jaamacadduhu noqdaan meelo ay dad gaar ahi ku tagrifalayaan oy tacdiyo ka dhan ah macallimiinta  ku sameynayaan, waayo ila iyo hadda ilaa intii Tacliinta Sare lagu soo kordhiyey Wasaarada Waxbarashada, Komishanka Tacliinta Sare waxba kumuu soo kordhin wax ka qabashada tayada waxbarashada jaamacaddaha, oo xaqiiqdiidii u dhuraneysa  amaba u gonda degaysa  hagaajinta nolosha macallinka.

Arrimahaas oo isku duuban waxay ka dhigeen macallinkii waxaan qiimo lahayn. Ka sii darane bulshada garowshiinyo kamuu helin, oo qof walba inta uu gurigiisa shan ama afar amaba in ka sii badan oo caruura ka dareeriyo subaxii amaba galabtii ayuu waxbarasho u diraa isagoon ka warhayn qofka ay fasalka ugu tegayaan tacadiga iyo darxumada uu qabo intay le’egtahay. Waxay dadka qaar badan oo ka mid ihi ku kaftamaaan markay ka hadlayaan tayada waxbarashada “Wallaahi ‘Paragraph’ ma qori karaan kuwan la’ leeyahay jaamacaddo ayaa ay ka soo baxeen”, beenna maaha oo weynu wada ognahay tayada waxbarashada ee jaamacadaheenu ay leeyihiin.

Waa hab aynaan arag habka ay maamullada jaamacadduhu wax ku wadaan. Xaalkoodu waa macalinka fasalka ku ilaali oo yaanu xiisada ka maqnaanin, waayo macaashka ayaa iska dhimaya haddii ay ardaydu macalinka hore u weydo. Tusaale ahaan waxaad arkaysaa macallin graduate ah (MA ama PHD) oo uu shaqaale yar oon waxba ahayni canaananayo amaba dabada ka riixayo, amaba uu ganaaxayo, waayo ardayda ayaa la raalli-gelinayaa oo lagu joojinayaa iney ka yaacaan amaba ku qeyliyaan. Waa hab ogol shaqaalannimada dadka xafiisyada jooga amaba kuwa ka sii hooseeya, sida karraaniyada, dareewallada , waashmaannada iwm ee aan aqoonsaney shakhsiyadda iyo waxtarka iyo jiritaan macallinka. Waa hab aanu macallinku wanaag iyo isbedel tona ka quud-dareyneyn maamullada aqoon-ka-cararka ah intay sidan wax u wadaan Waxaan ku soo xidhayaa macalinnimadu waa xirfad sharaf (Noble) leh. Karaamo iyo mudnaan iyo tixgelin ayuu mudanyahay macalinka ubadkiina waxbarayaa. Waxaa muuqta in la inkiray, oy weliba dad yar oo faa’ido doon ihi inkirayaan jiritaankiisii. Dad iyo dawladba waxa wanaagsan in kaalintii wanaagsaneyd ee uu bulshada kaga jiray la soo celiyo. Ta labaad jaamacaduhu wax maskaxdii iyo marjicii loogu noqon lahaa aqoonta iyo talada marka ay bulshadu doonto in wax loo iftiimiyo oo loo bayaamiyo. Haddayse noqaan meellihii  loo eeran lahaa ee xallka laga raadin laha meelo kala faa’idaysi  ka soconayo, macallinkiina ku baaba’sanyahay waxba inoo haagaagimaayaan.

‘Sidii awrkii casiraayey saliida Cadmeed ee awrka cunaayey baan la cayn ahay’  Barkhadcas

Waa Billaahi Tawfiiq

Professor Jama Aden Ali