Ka Dhex Ugaadhsiga Internet-Ka Ee Dumarka Ruushka Iyo Dawladda Belguim Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay

0
761

Brussels (Geeska)- Xukuumadda Belgium ayaa mar sii horreysay muwaadiniinteeda uga digtay khatar ay sheegtay in ay tahay khiyaamo iyo dhac ka dhex socda barkulannada bulshada ee internet-ka dhexdiisa.

Waxa ay dawladda Belgium si gaar ah digniintan ugu jeedisay muwaadiniinteeda ragga ah oo ay kula talisay in ay ka feejignaadaan dumarka Ruushka oo aad xarfaan ugu ah ka ugaadhsiga internet ka dhexdiisa. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Belgium oo war saxaafadeed rasmi ah arrintan ka soo saartay ayaa sheegtay in wararka ka soo gaadhaya safaaraddooda dalka Ruushku ay sheegayaan in ay jiraan muwaadiniin reer Belgium ah oo ay ku dhacday masiibooyin dhac iyo khiyaamo ah oo kaga timid dumar u dhashay Ruushka oo ay baraha bulshadu ku kulanto ee internet ka iska barteen. Waxa ay wasaaraddu qoraalkeedan ku sheegtay in dumarkan Ruushka ahi raggan ku beer laxawsadeen saaxiibtinimo iyo xidhiidh jacayl oo ay run u qaateen, balse lagu khiyaamaynayey.

Wasaaradda oo qoraalkeedan ku sii faahfaahisay sida wax u dhaceen ayaa sheegtay in marka ragga Belgium ay bartaan dumakan Ruushka ah ee muddo ay wada haasaawaan ay gabadha Ruushka ahi ka codsanayso in ay is arkaan, iyada oo ka codsanaysa in uu ka bixiyo kharashka tikidhka iyo fiisaha ee ay ku imanayso Belgium, laakiin marka uu ninku lacagtan u xawilo ay xidhiidhka u jarayso, ama ku doodayso in ay fiisihii weyday.

Arrintan waxaa aakhirkii fashiliyey rag reer Belgium ah oo la xidhiidhay safaaradooda Ruushka oo inta ay qaadeen sawirrada dumarka Ruushka ah ee markii ay lacagtii u direen ku marmarsooday in Dal-ku-galkii Belgium loo diiday. Waxa aanay weydiiyeen bal in dumar sawirkaa ama magacaa lihi fiise ka soo dalbadeen, laakiin safaaraddu u xaqiijisay in aanay jirin.

Waxa ay dawladda Belguim ka codsatay muwaadiniinteedu in aanay lacag u dirin qof ay iska barteen Internet ka guud ahaan iyo gaar ahaan dumarka Ruushka.