Bulshada Caalamka Oo Ka Digtay In Muddo Kordhinta Madaxweynaha Oo Hal Sano Laga Badiyaa Ay Cawaaqib Xun Ku Yeelan Doonto Xidhiidhka Ay La Leedahay Somaliland

0
500

Picture8Hargeysa (Geeska)- Guddida hagista dimuqraadiyadaynta Somaliland oo ay maamulaan gole ka kooban bulshada caalamka ee gacanta ka geysata nidaamka doorasho ee Somaliland ayaa 24ki Bishan waxa ay soo saareen qoraal ay horudhac uga dhigeen booqashadii ay shalay ku yimaaddeen Somaliland ee la xidhiidhay qabsoomidda doorashooyinka.

Golahan bulshada caalamka ee taageera dimuqraadiyadaynta Somaliland oo guddoomiyenimadeeda wadaagga ah uu hadda dalka Ingiriisku ka mid yahay ayaa Somaliland u soo diray ergo diblumaasiyadeed oo ay hoggaaminayso ku-xigeenka danjiraha Ingiriiska ee Addis Ababa.

Haddaba warqaddan ergadu iska soo horreysiisay oo ay ku saxeexan yihiin Neil Wigan oo ah danjiraha Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Phil Evans oo ah madaxa haayadda gargaarka dibadda u qaabilsan Ingiriiska ee DFID waxa si adag loogula hadlay dhinacyada Somaliland oo loogu baaqay in ay raacaan muddaynta Komishanka doorashooyinka, waxaana lagaga digay in muddo kordhinta lagu wado in Guurtidu samaysaa ay noqoto mid siyaasadaysan, oo aan ku salaysnayn muddada sannadka ah ee Komishanku qabsaday.

Warqaddan waxaa si adag loogu hanjabay in muddo kordhin aan ku salaysnayn jadwalkaas ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo ku timaadda xidhiidhka dhaqaale iyo siyaasadeed ee bulshada caalamku la leedahay Somaliland. Haddaba warqaddan oo ay dusha sare kaga calaamadsan yihiin haayadda gargaarka dibadda u qaabilsan Ingiriiska ee UKaid oo hoos tagta wasaaradda arrimaha dibadda iyo xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Hargeysa, waxaa lagu socodsiiyey, Madaxweynaha Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), guddoomiyaha golaha Guurtida, guddoomiyeyaasha saddexda xisbi Qaran iyo xubnaha guddida doorashooyinka Qaranka ee Somaliland. Waxa aanay ku taariikhsan tahay 24ka Abriil 2015. Ujeedadeeduna waa: Doorashooyinka Baarlamanka iyo madaxtooyada ee Somaliland.

Haddaba Warqaddaas oo uu Afsoomaali u rogay wargeyska Geeska Afrika waxa ay u dhignayd sidan; “Warqaddani waxa ay daba socotaa wada-xaajoodkii aynu Hargeysa ku yeelannay 31kii March.

Waxa mar kale kalsooni nagu beeray, sidii ay dhammaan dhinacyadu xoogga u saareen tixgelinta soo jeedinta Komishanka doorashooyinka. Waxaana aanu ognahay in Komishanka doorashooyinku uu madaxweynaha qoraal ugu gudbiyey soo jeediniisa waqtiga uu ku qaban karo doorashada.

Waxa aan jecelnahay in aanu fursaddan uga faa’idaysanno in aanu Komishankiina doorashooyinka ku ammaanno shaqada fiican ee ay qabteen bishii u dambaysay, iyo sidoo kale geeddi-socodka siyaasadda dulqaadka leh ee Somaliland.

Si aanu u taageerno dhamaystirka wareegga labaad ee taariikhiga ah ee doorashada Somaliland waxa aanu sii wadi doonnaa caawimada aanu ka geysanno geeddi-socodka hawshan, annaga oo soo marayna Guddida Hagista Dimuqraadiyadaynta (DSC) oo xarunteedu tahay magaalada Nairobi, waxa aanu gacan ka geysannay geeddi-socodkii dimuqraadiyenta Somaliland ee tobankii sano ee u dambeeyey, annaga oo guddidan u adeegsannay in aanu xaqiijinno in aanu cod midaysan idinku taageerno. Imika oo la joogana, (Waxa aanu diyaar la’ nahay) barnaamij ay ku baxayso lacag dhan 13 Milyan iyo badh doolar oo ah oo aanu ku caawinayno diiwaangelinta codbixiyeyaasha, doorashada lammaan ee taariikhiga ah ee Baarlamanka iyo madaxtooyada.

Warqaddan waxa aanu sidoo kale ku codsanaynaa kulan aanu maalinta sabtida ee 25ka April la yeelanno xafiiska madaxtooyada, guddoomiyeyaasha xisbiyada siyaasadda, Komishanka doorashooyinka iyo Guurtida. Ergada Diblumaasiyadeed ee naga imanaysana waxaa hoggaamin doona, Ingiriiska, oo hadda ah guddoomiyaha wadaagga ah ee guddida hagista dimuqraadiyadeynta (DSC). Haddaba, inta aannan booqashadaas aanu soo jeedinnay idinku iman, aanu idinla wadaagno aragtida bulshada caalamka ee ku aaddan dhamaystirka wareegga doorashada, si loo hago doorashooyinka lammaan ee Baarlamanka iyo Madaxweynaha,  oo hadda loo muddeeyey 1da Juun 2016ka.

1. Madaxweynaha, saddexda xisbi siyaasadeed iyo labada aqal ee baarlamanka waxa ay ammaan ku mudan yihiin, sida ay illaa hadda siyaasadaynta uga ilaaliyeen waqtiga loo cayimay doorashooyinka – Oo la soo jeediyey in ay noqdaan 1da June 2016ka- iyo sidoo kale, sida ay Komishanka doorashooyinka qaranka ugu garab istaageen gudashada hawshooda dastuuriga ah, ee ah in ay soo gudbiyaan jadwal doorasho oo si adag ugu salaysan hawlqabadka farsamo.

2. Bulshada Caalamku waxa ay ka niyad-jabsantahay in waqtiga la soo jeediyey in doorashooyinku qabsoomaan uu noqon waayey dhammaadka sannadkan 2015ka, taas oo aanu u aragno in ay suurtogeli lahayd farsamo ahaan, haddii ay xukuumaddu dib-u-eegis ku samayn lahayd qodobbada 7 (2) ama 26 (2) ee xeerka diiwaangelitna codbixiyeyaasha, Xeer Lr. 37/2007, iyo dib u dhaca lixda bilood ah ee u dhexeeya dhamaystirka liiska codbixiyeyaasha iyo maalinta doorashooyinka.

3. Si kastaba-ha-ahaato ee bulshada Caalamku, waxa ay Dimuqraadiyadda Somaliland ugu baaqaysaa in ay si adag u raacdo tallaabooyinka xiga ee geeddi-socodka doorashada, iyaga oo dhowraya Jadwalka uu soo saaray Komishanka doorashooyinku.

4. Bulshada Caalamku, kordhin intaas ka badan oo siyaasadi dabada ka riixayso waxa ay u  arki doontaa wax aan-la-aqbali karin, waxa aanay cawaaqib xun ku yeelan doonta xidhiidhka adag ee siyaasadeed iyo horumarineed ee aanu la leenahay Somaliland.

5. Bulshada Caalamku waxa ay diyaar u tahay in ay taageerto geeddi-socodka doorasho ee Somaliland farsamo ahaan iyo diblumaasiyad ahaanba.

Waxa aanu si  tixgeilin leh u dhowraynaa in aanu sii wadno la shaqaynta xukuumaddiinna, Guurtida, xisbiyada siyaasadda iyo Komishanka doorashooyinka, si aanu u xaqiijinno in doorashooyinkan taariikhiga ah ee baarlamanka iyo madaxtooyadu waqtigooda ku qabsoomaan.