Mujaahid Xamarji Oo Cirro Ka Difaacay Eeddo Loo Jeediyay Oo Ah Inuu La Kulmay Xasab Sheekh

0
478

Picture5Hargeysa (Hargeysa)- Kulmiye ee inta Hargeysa (Geeska)-Siyaasiga Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarje,oo hadda ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani horena u ahaa badhasaabkii gobalada Maroodi-jeex iyo Togdheer, ayaa beeniyay in guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu wadanka Turkiga kula kulmay madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarje, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Dekada Berbera, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay soo faro-geliyaan  Hawlaha Dekada si aanay Shirkadani ula wareegin tan iyo inta laga galayo Doorasho, “Waan garanayaa oo Xisbul Xaakimka ayaa dacaayadahan maalmahan la dhex wareegayey Magaalada, waxaanan leeyahay Guddoomiyuhu Arbacada ayuu imanayaa Dhakhtar buu tagay,Somali iska daaye qof madawba muu arag,.” Ayuu yidhi Xamarji oo guddoomiye Cirro ka difaacay eedaha loo jeediyay, waxaanu isagoo ka hadlaya qoraalka uu Madaxweynuhu u gudbiyay guurtida uu yidhi “Madaxweynaha waxa aan ku hambalyeynayaa madaama uu fuliyey go’aankii ay wada qaateen Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbul xaakimka, ee uu Musharaxa u yahay, waana ku hambaliyeynayaa go’aankaas”.

Xamarje mar uu ka hadlaayey Dekada Berbera ayaa yidhi “Dekada Berberi ka weyn waxa la iska qaadan karo, dhammaan Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Wadamada Afrika waxa aanu wargelinaynaa in Shirkadahaas aanu u maleeynayo in sharciga iyo nidaamka aanay soo marin in laga joojiyo oo laga hakiyo Dekada Berbera ilaa inta ay Doorasho dhacayso”.

Xamarje ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada yidhi “Doorasho ayaa inoo balan ah, Madaxweynaha waxa aan leeyahay waxa aanu diyaar u nahay inuu Doorashadii uu noo qabto, Bulshada Somaliland waxa aan leeyahay Xisbiga badan aanu idinku baaqaynay wakhtigiisi wuu dhamaaday, ee Waddani doorta codkiinana siiya”.