Kulanka Kor U Qaadidda Wacyiga Bulshada Ee Arrimaha Horumarinta Iyo Mucaawimada Gaarka U Ah Somaliland

0
565

Picture3Hargeysa(Geeska)-Waxa Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa habeenimadii Jimcihii  lagu qabtay Kulan balaadhan oo bulshada loogu soo bandhigayay Nidaamaka Mucaawino ee gaarka u ah ee Somaliland Iyo Mashiicda Horumarineed  ee laga maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorshaynta Qarakanka Somaliland, Waxa ka soo qaybgalay Wasiiro, madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee dowladda, Hayadaha Caalamiga ah, Kuwa Wadaniga ah, Ardayda Jaamacadaha, Ururada bulshada,Aqoonyahano iyo marti-sharaf kale.

Kulankan ayey Ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi laaha wacyiga bulshada Somaliland gaar ahaan ardayda Jaamacadaha iyo Ururadada Bulshada ee ku saabsan Nidaaamka Mucaawinooyinka gaarka u ah Somaliland (Somaliland Special Arrangement), guud ahaan Mashaariicda Horumarinta Somaliland iyo gaar ahaan Mashaariicda laga maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, ayaa faahfaahiyey Sooyaalka taariikheed ee habka Mucaawinada Gaarka ah ee Somaliland (Somaliland Special Arrangement).

Wasiirku isagoo ka hadlaya Horumarka ka dhashay Mashaariicda laga maalgaliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland aya waxa uu yidhi  “ Horumarku laba ilood mid waa inaga midna waa dibadda, ka xageena ka yimaada sadex qaybood ayuu u kala baxa mid waa Dawalada midna waa Dadwaynaha meesha kalena waa Hay’adaha Sama-falka waxaana Wasaaradda Qorshaynta ka Diiwaan-gashan ilaa 230 hay’adood oo sama-fal oo aynu leenahay , waxa kale oo jirta Jaaliyadda dibada oo iyaguna ka qaybqaata horurmarka dalka. Meesha kale oo horumarku ka yimaada waa Mucaawinayooinka dibada inaga soo gala.

Waxa kale oo uu Wasiirka Qorshayntu ka warabixiyey sababtii ka danbaysay in la sameeyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) taasi oo uu sheegay inay ka dhalatay ka dib markii ay Somailand shirar la yeelatay Hay’adaha Kaalmada u qaabilsan Dawalada Ingriiksa iyo Denmark sanadkii 2011. Kulankaasi oo u ku saabsanaa ayuu yidhi Wasiirku sidii loo tayayn lahaa Mucaawinyooyinka Somaliland  loogana  guuri lahaa Mucaawinyooyinka gacmaha badan soo maraya loona Samayn lahaaa Sanduuq Mucaawino oo Somaliland u gaara.

Waiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyada Mud. Cismaan Saxardiid (Cadaani) ayaa isaguna dhankiisa ka warbixiyey mashaariicda Horumarineed ee aySomaliland isagaoo xusay in Miisaaniyada Qaranka Somaliland ay boqolkiiba toban (10%) ku waajahantahay Horumarka dalka isagoo sheegay in illaa 14 Milion oo Dollar oo ka mida miisaniyadaasi ay ka timaado Sanduuqa Hourmarinta Somaliland ee ay bixiyaan Deeq-bixiyayaashu,  waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay in 20 Milion oo Miisaniyada ka mida loogu talagalay meelaha ay ka mid yihiin Dawladaha Hoose, Haydaha Madaxa banaan ee ay ka midyihiin Dekada Baanka, Haamaha Shidaalka ,Wakaaldaha Biyaha Madbacada Qaranka iyo qayb ka mida Duulista iyo Hawada

Dr. Maxamed Samater Isuduwaha Dib u Habaynta Nidaamaka Maaliyadeed ee Somaliland ayaa iftiimiyey kana xog warramay geeddi socodka Barnaamijka dib u habaynta Nidaamka Maaliyadeed ee Somaliland (Public Financial Management Reform) waxaa uu sheegay in barnaamijkan dib u habayntu Maaliyadu uu soo maray marxalada kala duwan isagoo tafaasiil dheeraada ka bixiyey qaybaha uu ka koobanyahay Barnaamijkani iyo sida uu uga shaqaynayo Somaliland. 

Mubaarak C/laahi Ibraahim (Daljir), Madaxa  Qaybta Mucaainyooyinka u gaarka ah Somaliland (Somaliland Special Arrangment), ayaa si faahfaahsan uga waramay  Mashaariicda Horumarineed ee Somaliland u gaarka iyo faa’iidooyinka ay Somaliland ka heli karto isbedelka ku yimid habka ay Deeq-bixiyayaashu ula macamilaan Somaliland.

Najax Maxamuud Adan oo ka socday xafiiska xoghaynta Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ayaa ka warramay Habsami u socodka  Mashaariicdaasi iyo muhiimadda ay u leeyihiin horumarinta dalka iyo nolosha muwaadiniint, waxa uu faahfaahin dheerada ka bixiyey Wasaaradda kasta iyo mashaariicda u gaarka ah ee ay fulinayso lagana maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF

Gebagebadii kulanka waxa kasoo qayb galayaashu su’aalo ku saabsan mashaariicda horumiraneed ee dalka ka socda ku weydiiyeen masuuliyiinta dawladda