Talefanka Gacantu Waxa Uu Burburiyaa Xusuusta Shinnida, Waxa Aanu Khatar Ku Yahay Nolosheeda

0
750

Berlin (Geeska)- Cilmibaadhis ay sameeyeen Saynisyahanno Jarmal ah oo ka tirsan jaamacadda Koppeln ee dalka Germany ayaa lagu ogaaday in Talefanka gacanta ee Mobile ka loo yaqaannaa halis ku yahay garashada shinnida iyo guud ahaanba nolosheeda. Waxa ay daraasaddani muujisay in fallaadhaha uu sii daayo talefanka gacantu marka uu shaqaynayo ay shinnida ka gooyaan dareenka akhrisa ee u suuro geliya in ay dib ugu noqon karto hoygeeda ama halka ay asal ahaan ka soo qadhaab doonatay, iyo in sidoo kale ay keento in ay burburiso neerfayaasha shinnida, taas oo keenta marka ay shinnidu qadhaab tagto inay asqawdo oo ay xasuusan kari weydo halkii ay ka timid, sida ay u meeraysanaysana ay meelo fog hoy iyo daryeel la'aan ugu dhimato.

Waxa ay daraasaddani daah-furtay in xanuun lagu magacaabo Colony Collapse Disorder oo loo soo gaabiyo CCD uu ka mid yahay xanuunada ku dhaca shinnida ee ku keena in uu burburo hab-dhiska jiheeye ee Alle ku abuuray oo ay ku garato ku noqoshada halka ay deggen tahay, waxaana dhacaysa in ay baadiyowdo aakhirkana dhimato.

Cudurka CCD oo dunida oo dhan ka jiraa waxa uu ku badan yahay goobaha ama deegaannada sida xooggan looga isticmaalo talefanka gacanta. Sida la ogyahay Talefanka gacanta marka la isticmaalayo waxa uu soo daayaa fallaadho (Radiation) iyo ishaarooyin birlam korontaysan ah oo aanu weli cilmiga saynisku si rasmi ah u xaddidin saamaynta taban ee ay ku yeelan karaan nolosha qofka, inkasta oo ay khubaro badani aaminsan yihiin in fallaadhahani ay keeni karaan noocyada kala duwan ee kansarka.