Bar-Kulanka Bulsho Ee Facebook Waxa Aad Uga Faa’idaysan Kartaa Xusuusta Hawl-Maalmeedkaaga

54
1133

Dubai (Geeska)- Daraasado kala duwan oo lagu sameeyey waqtiga ay shaqaalaha fadhiya xafiisyada leh Internet ku ku qaataan bar-kulannada bulshada ayaa iska daba maray in waqti ka badan ka ay shaqada ku bixiyaan maalin kasta kaga lumo isticmaalka bar-kulannadaas oo Facebook uu ugu horreeyo. Daraasadaha qaarna waxa ay isticmaalka bar-kulannadan ku masaaleen in uu u dhigmo balwad qofku la qabatimo oo iska deynteedu adag tahay.

Si kastaba ha ahaato ee waxa hubaal ah in shabakadahani ay leeyihiin faa’idooyin ay ka mid tahay, xidhiidhkii bulshada oo fududaaday, aqoon-korodhsi iyo maarraroow ay dadku marar badan u baahan yihiin iyo sidoo kale dhinac xun oo ay ugu horreyso in qofka ay shabakadahani ka lumiyaan waqti badan oo uu ku qabsan kari lahaa wax ka qiimo badan.

Haddaba marka aynu si gaar ah u soo qaadanno barkulanka bulshada ee Facebook oo ah kan aynu ugu isticmaal badannahay, waxaa jira habab aan ahayn intaas aynu soo sheegnay oo ay uga faa’idaysan karno dhinaca shaqadeenna, iyo nidaaminta hawlmaalmeedkeenna, ama xusuusta maalinlaha ah ee shaqadu inooga baahato.

Bilowgaba waxa aynu ka faa’idaysan karnaa sanduuqa yar ee ay ku qoran tahay, ‘What is on your mind’ oo ah maxaa maskaxdaada ku jira. Halkan waxa aynu ku qori karnaa dhammaan liiska hawlmaalmeedka ay tahay in aynu qabanno, waqtiga aynu qabanayno iyo arrimaha la xidhiidha ee xusuusta u baahan, laakiin inta aynaan ku qorin bogga (Post-garayn) waxa aynu marka hore beddelaynaa batamka laga doorto cidda aad ugu talogashay in ay qoraalkaaga arkaan, maadaama oo uu yahay qoraal shakhsi ahna waxa aynu dooranaynaa batamka ‘Only Me’ Aniga oo keliya, kadib marka aad bogga ku faafiso (Post garayso) waxa aad riixaysaa batamka ay ku qoran tahay ‘Highlight’ kaas oo suurtogelinaya in qoraalka aad gelisay ee adiga oo keliya kuu muuqdaa uu mar kasta xagga ugu horreysa kaga jiro boogga oo aanu hoos u riixmin  arka qoraallo kale adiga ama cid kale soo geliso Facebook-ga. Mar kasta oo aad furto Facebook waxa ugu horreeya ee aad isha ku dhufanaysaa waa qoraalkaagii xusuusta hawlmaalmeedka ahaa.

– Waxa kale oo aad ka faa’idaysan kartaa adeegga Dhacdooyinka ‘Events’ ee facebook, gaar ahaan marka aad doonayso in uu isagu ku xasuusiyo hawsha aad rabto. Gal dhacdooyinka ‘Events’ kadib same dhacdo cusub ‘New Event’ adiga oo ka dhigaya ‘Only me’ si aanay cid kale u arkin, kadibna ku qor xusuustaada iyo taariikhdeeda. Marka la gaadho waqtigii aad xaddidatay Facebook wawxa uu ku samaynayaa xasuusin, taas oo ah hab aanad hawlahaaga ku illaawayn adiga oo isticmaalaya Facebook.

 

Comments are closed.