Cabdi Haybe Oo Ka Hadlay Go’aanka Gudiga Doorashada, Farriinta Uu Guurtida U Diray, Magacaabista Gudomiyaha Maxkamadda Sare Iyo Dib U Dhaca Doorashooyinka

0
526

Picture7Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka, isla markaana ah Wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumaddii Daahir Rayaale kana mid ahaa aasaasayaashii xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay go’aankii ay guddiga Doorashadu dib ugu dhigeen doorashooyinka, Mawqifka Xisbiyadu ka qaateen, doorka ay ku leedahay Guurtidu iyo sida uu u arko.

Cabdi Haybe Maxamed ayaa  isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale sheegay in  Xukuumaddani aanay dan ka lahayn Ictiraaf raadinta, isaga oo tilmaamay inay Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale ay kaga wanaagsanayd.

Ugu horayn isagoo ka hadlaya go’aankii guddiga doorashooyinka wuxuu yidhi  “Guddiga doorashadu waxa ay go’aan ka soo saareen hawlaha Doorashada, hal Sanno ayeyna dib u dhigeen Doorashadii, Saddexda Xisbina way ku qanceen, mawqif isku mid ahna way ka gaadheen, markaas Guurtida waxa laga doonayaa inay ansixiso, muddada halka Sanno ah ee ay isla qaateen Komishanka iyo Saddexda Xisbi, laakiin maaha inay arin kale keento, oo ay muddo kordhin kale iyo hawlo kale la timaado”.

Cabdi Haybe Maxamed mar uu ka hadlaayey sababta ay isaga la tahay inay Doorashada dib ugu dhacdo waxa uu yidhi “Marka hore inay Doorashada dib u dhacdo waxa ka kow ah oo sabab u ah Xukuumadda, maxa yeealy halkii laga rabay inay soo horeysiiso ama soo qadinto Diiwaangelinta Codbiyayaayasha si Doorashadu ay wakhtigeedii u dhacdo ayey soo qadintay Diiwaangelinta Kaadhka Dhalashada ama Madaniga ah, haddii ay Xukuumaddu daacad ka tahay inay Doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto waxa ay soo qadimi lahayd Diiwaangelinta Kaadhka Codbixiyaha , Diiwaangelinta Madaniga ahna dib ayey u dhigi lahayd, oo xitaa Dawladdaha hoose ee dalka ayay ku maalgelin lahayd, laakiin waxa muuqata oo caddaatay inay ugu talashay dib u dhaca Doorashada, waxa kale oo xaqiiqo ah in Diiwaangelintii Madanigu la musuqay, oo Wasaaradda Arrimaha Gudduhu musuqday, Gobolada dalkana si fiican loogama wada qaadan”.  Cabdi Haybe Maxamed mar uu ka hadlaayey Siyaasadda Arrimaha Dibada ee Xukuumadda iyo Xukuumaddii uu ka tirsanaa ayaa yidhi “Xukuumaddi Daahir Rayaale ayaa Xukuumaddan kaga fiican xidhiidhka Siyaasada arrimaha dibada iyo Icitraaf raadintaba, maxa yeelay wakhtigaas Xukuumaddii Daahir Rayaale aad iyo aad ayey awooda u saari jirtay Ictiraaf raadinta Somaliland, balse waxaad mooda in Xukuumaddan Kulmiye aanay waxba ka ogeyn oo ay ka seexatay Ictiraaf raadiintii Somaliland”.

Cabdi Haybe Maxamed mar uu ka hadlaayey Isku shandhayntii uu dhawaan Madaxweynuhu ku sameeyey Golaha Wasiiradda ayaa yidhi “Isku shandhayntii Madaxweynaha lama odhan karo Isku shandhayn, waxa la odhan karaa dhinaca ayey ka rarnayd, Somaliland waa qabiilo isku yimid, in qabiilna laga qadiyo xilka qabiilna xilal lagu taxo xaq maaha, haddii xaqsoor la waayana waxba hagaagi mayaan, waana lagu kala yaacaya, ee waxa muhiim ah in mar walba xaqsoor  la helo, oo Umadda loo xaqsooro”. Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey xil ka qaadistii uu dhawaan Madaxweynuhu ku sameeyey Guddoomiyihii Maxkamada sare ayaa  yidhi “Madaxweynuhu isaga ayaa xaq u leh inuu Guddoomiyaha Maxkamada sare magacaabo, xilkana ka qaado, Golaha Barlamaanka ayaana la horkeenaya oo cod u qaadaya, waajibkiisana ka gudanaya, laakiin anigu waxa aan ku talin lahaa in Guddoomiyaha Maxkamada sare loo magacaabo Beesha Harti, gaar ahaan in loo magacaabo Maxamed Jaamac oo ku jira Golaha Barlamaanka, isla markaana sharciga aad u yaqaana, waxaana dhab ah in Somaliland tahay Saddex dhadhaar oo Harti yahay mid ka mid ah Saddexda dhadhaar ee ay Somaliland ku taagan tahay, xilkana xaq ayey u leeyihiin”.

Cabdi Haybe Maxamed ayaa mar uu ka hadlaayey dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex iyo doorka  ay ku lahayd  Guurtidu ayaa yidhi “Waxaan ILLAAHAY ka baryayaa in dagaalkaasi sidaas ku dhamaado, ciddii is dishayna ILLAAHAY bogooda burcad isku mariyo, oo ay heshiiyaan, waxaana aad ugu mahadnaqayaa Ciidanka Qaranka Somaliland oo iyagu dhex galay, halka Golaha Guurtida oo shaqadoodii ahayd aanay waxba ku darsan, hawlo aan shaqadooda ahayna ay ku mashquulsan yihiin.

Odayaashii Golaha Guurtidu intoodii badnayd wey leedeen ama wey geeriyoodeen, waxa iskugu soo hadhay midhadh Odayaal ah iyo Inamo yar yar oo dhalinyaro ah, oo aan xilkooda iyo waajibkii saarnaa aan garanynin, waxaana dhab ah in sharci ay hadda ku fadhiyaan aanu jirin, in Wakiilada iyo Xukuumadda oo qudha la eego maaha, ee waa in iyana la eegaa, waxaanan Madaxweynaha kula talinayaa inuu kala diro, oo sharci maaha in mar walba la kala dhaxlo Golaha Guurtida ee waa in Beelihii markii horeba laga soo dhex doortay haddana laga soo xulaa dad wax garanaya”.  Dhinaca kale Cabdi Haybe ayaa ka hadlay abaaraha ka dhacay dalka isaga oo sheegay in si gaar ah abaarahaasi u sameeyeen Deegaanada Salaxlay, Baligubadle, Xaabaale iyo Deegaano kale, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay si deg deg ah gurmad ula soo gaadho dadka ku nool deegaanadaas, isaga oo sidoo kalena ka hadlay jiritaanka Madasha oo uu sheegay in aanay sharci ahayn una soo jeediyay inay  ku biiraan mid ka mid ah Saddexda Xisbi.