Faa’idooyinka Ay Cunista Toontu Ragga U Leedahay Iyo 6 Sababood Oo Qasbaya In Maalintii Laag Laga Cuno (2)

0
955

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad uguna dambaysay ee qormadan uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qaar ka mid ah faa’idooyinka tirada badan ee ay toontu u leedahay caafimaadka ragga:

3. Toontu waxa ay la dagaallantaa Bakteeriyada iyo Jeermiska: Toonta waxaa ku jirta maadadda lagu magacaabo Allicin oo leh faa’idooyin badan, sida in ay ka hrtag u tahay sumowga iyo in jidhku uu iska saaro suntan, waxa ay wanaajisaa shaqada beerka, sidoo kale Allicin ta ku jirta toontu waxa ay awood u leedahay in ay jidhka ka difaacdo cudur-sidaha iyo jeermiska. Daraasado la sameeyeyna waxa ay muujiyeen in ragga caadaysta cunista toonta aanu aad ugu dhicin guud ahaanba xanuunnadu.

Si kastaba ha ahaato ee khubarada caafimaadku waxa ay ka digeen in qofku hargabka qabaa uu toon badan cuno, iyaga oo sheegay in taasi ay sii kordhinayso cabudhka.

4. Nabarrada faraha lugaha dhexdooda: Falgallada ku jira toontu waxa ay gacan ka geystaan ka takhalusidda Fangasyada keena caabuqa faraha dhexdooda. 

Waxa aad burburinaysaa / tumaysaa afar xabbo oo toon daraya ah, kadib waxa aad ku daraysaa biyo diirran oo aad ku shubtay sixni ama weel kale oo ballaadhan oo labadaada cagood qaadi kara. Kadib labaa cagood ayaa aad dhex gelinaysaa muddo 30 daqiiqo ah. Waxa aad sidoo kale samayn kartaa in aad toontaas ku darto saliid Saytuun, kadibna aad isku daboosho muddo saddex maalmood ah, ama maalin keliya aad dhowr jeer isku ruxdo/qasto. Kadib adiga oo adeegsanaya gobol yar oo cudbi ah, ayaad marinaysaa meelaha ay nabarradani kaaga yaallaan, laba jeer maalin kasta, sidaas ayaanu ku tagayaa caabuqani.

5. Toontu waxa ay caabbidaa Kansarka: Toonta waxaa ku jira cunsurka selenium lagu magacaabo, oo awood u leh in uu iska caabbiyo kansarka. Gaar ahaan waxa uu ka hortagaa xanuunno badan oo kansar ah oo ragga ku dhaca, sida kansarka qanjidhka Prostate ka, Kaadi-haysta, midhicirada, caloosha, sambabbada iyo Malawadka.

6. Xoojinta hab-dhiska difaaca: Isku-dhisyada ay toontu ka kooban tahay waxa ay jidhka siiyaan awood taban oo dhinaca hab-dhiska difaaca ah. Waxa aanay qofka ka caawiyaan ka bogsashada xanuunno badan.

Daraasad la faafiyey sannadkii 2001dii, oo tijaabo ku samaysay 21 qofk oo cunay toon ama cuntooyin toon lagu daray in ku dhicista durigu uu aad ugu yaraa.

Toonta ay saxda tahay isticmaalkeeda si faa’idooyinkan looga helo, waa in aanay nabarro lahayn, waa in meesha lagu keydiyo / lagu hayey ay tahay meel qabow ah oo qallalan isla markaana madow ah oo aanu ilaysku ku badnayn.

Ugu dambayntii waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in muddo qarniyo badan ah ay toontu ahaan jirtay shayga ugu muhiimsan ee raggu ay u isticmaalaan in ay kordhiso isla markaana firfircooni geliso xidhiidhkooda jinsiga ah, iyo sidoo kale in ay wanaajiso habka wareegga dhiigga ee qofka. Dhammaad