Ilko Xanuunka Iyo Ninka Oo Calool Weynaadaa Waa Labada Sababood Ee Ugu Badan Furniinka Jarmalka

0
854

Picture8Berlin (Geeska)- Caloosha weyn iyo xunuunada ilkaha ku dhaca ayaa ah labada sababood ee halista ugu badan ku haya nolosha jacayl iyo dhismaha qoysnimo ee dadka dalka Jarmalka.

Daraasad muddo dabagal cilmiya iyo xog ururin ku samaysay sababah ugu badan ee ay qoysaska Jarmalku ku burburaan ama lammaanaha xidhiidhka jacayl ka dhexeeyaa ay ku kala hadhaan ayaa lagu ogaaday in ragga oo caloolaystaa ay dumarka ku riddo niyadxumo iyo nacayb, wax badan ka beddela go’aankooda hore ee ahaa guurka ama sii wada joogista, sidoo kale ilko xanuunka labada qof midkood yeesho oo weliba u badan marka uu ninka ku dhaco ayaa ay daraasaddani tilmaamtay in ay tahay sabab kale oo ay qoysaska ama lammaanayaasha xidhiidhku ka dhexeeyo ee dalkaasi isku nacaan.

Xeeldheerayaasha daraasaddan ayaa caddeeyey in caloosha weyn ee ninka iyo ilko xanuunka lammaanaha midkood ay bilow u noqoto muranno daba-dheeraada oo aakhirka keena isfahmi waa iyo nacayb ay ku kala tagaan labada ruux. Waxa ay daraasaddu sheegtay in Boqolkiiba 49 ka mid ah dumarka ay qabaan ragga ilko xanuunka leh ama caloosha weyni ay jecel yihiin in ay kala tagaan.