Wargeyska Geeska Afrika: Sanad-Guuro Wacan

0
1123

Picture1Cabdixakiin M. Careef

Waa Sanad guuro wacan waa maalin uu saaxafada ku soo biiray mid ka mida wargaysyada loogu akhriska badan yahay Somaliland, yaan Somaliland uun odhane ee sida igu maqaalo ah dalal badan oo gobolka ku yaalana wuu gaadhaa. Hadaba waxa qoraalkan kooban igu kalifay inaan qoro waa aniga oo isku tiriya ama ka mid ahay kumannaanka akhriste ee ku xidhan wargayska Geeska Afrika, wakhti hore ayay ahayd markii aan bilaabay akhriska wargayskan oo judhiiba soo jiitay dhaayahayga iyo maankaygaba sababo badan oo uu igu soo xero-galiyayna gadaal baad ka ogaan.

Wargayska geeska Afrika waa wargaysaka dhalinyarada, maadaama aan anigu dhalinyarada ka mid ahayna sababaha uu da´yarta u hantay waxa ka mida isaga oo soo bandhiga meelaha ay dhalinyarada jecelyihiin in wax laga qoro una nugul yihiin sida: Jacalka, Xigmada, wararka ciyaaraha & Qisaska taariikhiga ah ee dunida ka dhacay. Haa, waa taa sababta uu ku hantiyey da`yarta aan ka midka ahay, hadaba tan iyo maalintii aan bilaabay akhriska wargayska Geeska Afrika ilaa Maanta waan ku xidhanahay warsidahan sababto aah ah hadaan u baahdo inaan siyaasada dhacdooyinkeedii u danbeeyay wax ka ogaado waxaan booqdaa bogga ay ku leeyihiin internetka ee Geeska.net, waxaanan ka helaa wararkii u danbeeyay ee siyaasada Somaliland, siyaadaha gayiga Soomaalidu dagto iyo ta dunidaba, warakaasi oo ah qaar aanay ka muuqan Guulwadayn iyo buunbuunintoona balse ay ka muuqato dhexdhexaadnimo, waxyaabaha kale ee uu wargaysyada kale dheeryahay waxa ka mida Waraysiyo uu la yeesho Siyaasiyiinta maqagaca iyo meeqaamka ku leh Ummada Soomaaliyeed dhexdeeda kuwa Somaliland ha ugu badnaadaane, markaasaad tacajabayasaa suàalaha quruxda badan ee siyaasiga la waydiinayo, waxa iyana ku cajab-gelinaysa jawaabta masuulka oo aan dharka lagala baxayn ee sideedii laguugu soo gudbinayo, waana astaamaha iyo anshaxa suxufiga wanaagsani leeyahay inaanu ka baayacmushtarayn hadal masuul yidhi ee uu sidiisa u soo gudbiyo.

Aan xasuustayda dib ugu noqdo iyo maalmihii aan wargayska sida tooska ah u iibsan jiray, si maalinle ah ayaan warsidaha u gadan jiray anigoo og inaanan helayn hadaan habsaamo waxaan ku sii balansan jiray wiil dhalinyaro ah oo wargaysyada ku iibin jiray isgoyska Madaxtooyada, isna qof balanta yaqaan buu ahaayoo haday cid kastaa u timaado nuqulkayga wuu ii hayn jiray intaan u imaado ayaan ka qaadan jiray, labada maalmood ee Isniinta iyo Jimcaha waxaan dareemi jiray in maanta wax iga maqan yihiin oo aanan qaban hawl joogto ii ahayd, markaasaan xusuusan jiray in maanta aanan akhriyin Wargayskii Geeska Afrika iyo Qisooyinkii aan sida joogtada ah ula socon jiray waxaana igu dheeran jiray Beri si aan ula sii socdo qisadii, inta badan kamaan warweri jirin inaan waayo wargeyska waayo waxaan ogaa in Maxamed yare midhaydii mar horeba meel ii dhigay, waxyaabaha aanan iloobayn ee iga soo maray waxa ka mid ahaa anigoo xiisad ku jira Iskuulkaygii aan arkay maamulihii dugsiga oo wargayska sita markaasaan intaan xiisadii ka soo baxay maamulihii ku idhi Maamule waxaan rabaa inaan wargayskaa yara eego ee ma ii dhiibi kartaa? Oo miyaaanad xiisad lahayn? Mayee waan leeyahay ee waxaan ka eegi lahaa kaliya wax yar oo aan rajaynayo inuu saaka ku qoran yaha? Hoo oo kalaaska ku noqoo ii soo celi. Mahadsanid Maamule. Ma i rumaysanaysaa hadaan ku idhaa ismaan ogayn goor aan kalaaskaygii ka soo baxay, taasi waxay muujinaysaa xiisaha aan u hayay wargaska maanta sagaal jirsaday.

Waxyaabaha waawayn ee aan ka faa'iiday Akhriska wargeyska waxa ka mida in aan ku bartay akhriska oo imika caado u noqday naftayda, inaan ka akhristay Qisas badan oo maskaxdayda raad ku reebay sida Amiinal-Mufti, Basaasiin Caashaq Helay, Marwooyinka Madaxwaynayaasha iyo qaar badan oo runtii xiiso iyo xamaasad badnaa oo imika aan u boholyoobay akhriskooda.

Gabogabo:

Waxaan hanbalyo kal iyo laaba u dirayaa dhamaan Halwadeenada Wargeyada mataanaha ah ee Geeska Afrka iyo The Horn, Waxaan si gaar ah u sii hanbalyaynayaa Saaxiibkay Kamaal Axmed Cali oo qisooyin badan oo aan jecelahay turjumay iyo waliba Tifatiraha Guud ee Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) oo ay isku beegantay qaadashadii Master Degree-ga Jamaacada Kampala iyo sanad guuradii sagaalaad ee wargayska Geeska Afrika Hanbaylo Saaxiib Maxamed.

C/xakiin M. Careef

 Einhausen, Hessen, Germany

+4915218725616

Facebook: CabdiXakiin Careef  —

E-mail: abdihakinAref@gmail.com