Xiddigaha Geesku Waa Inta Aynu Geeska Iyo Gobolkaba Dheer Nahay

0
635

Calanyahow la gaafee,

Saddex midab u gaar tahay,

Magac Guulle iyo Nebi,

Guudkiisa lagu qoray,

Kii hore kuwuu gabay,

Iyo gacaladoodii,

Ayaad gaar u noqotoo,

Iyagaa ku geya abid,

Goblan iyo agoon baa,

Geesaha ka joogoo,

Lafo geesi iyo dhiig,

Ayaan kugu gelbinayaa,

Heesta, Guudkaan kaa huwanayaa, Muxumed Xaaji Soofe (Kaneeco)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa, 12/4/2015ka,

Qormada: 1aad

Taxanaheennii waayahanba inoo socday cakiran daarranaa aynu yar dagagarno oo cabbaar iskaga yar badhaxno Qormooyin kooban oo faneed. Taxanaheennii waa aynu ku soo noqon doonnaa haddii Eebbe dimo.

Haa………Waa Hargeysa. Waxaan u jeedaa magaalada Hargeysa oo aan ku han weynahay in ay tahay horyaalka magaalooyinka Soomaaliyeed, marka laga eego heesaha loo tiriyay oo aanay cidna laba ku ahayn bal se ay horyaal u tahay. Arrintaasina sahal iyo wax fudud maaha. Heesahaas tirada beelay iyadu oo keli ahi isuma tirin  ama dad Somaliland u dhashay oo keli ahi uma tirin e', dad Soomaaliyeed oo meelo badan ka soo jeeda ayaa u huray oo ku muuneeyay. Waa hoyga fanka Soomaaliyeed. Waa dugsi ma-guuraan ah oo ay ku barbaaraan kuna tababartaan fannaaniinta Soomaaliyeed. Waa bud-dhigga taariikhda war-baahinta Soomaaliyeed, maa-daama Radio Hargeysa laga furay 1941kii. Waa bartii ay ka bilaabmeen Heellooyinka Qaraamigu. Balwadii oo Boorame ka curatay ayaa ka horreysay. Sow tii la lahaa: "Balwadii baxsatoo, barey qabatee, 'Bigfoor' ma ku baadi-doonnaa." Hargeysa waa halkii lagu ballaysimay Masraxa Soomaaliyeed, gaar ahaan, qaybtiisa Hereriga ah ama Hargeysaawigaba ah. Hargeysa, waa saldhiggii ay ku barbaareen ee ay beryaha qaar ka heesi jireen Walaalo Hargeysa oo ay Idaacadihii Soomaaliyeed ee beryahaa jiray oo dhami soo xigan jireen. Sidaas ayay Kooxdii Walaalo Hargeysa ku ahayd calan-sidihii fanka Soomaaliyeed.

Hargeysa oo Somaliland oo dhan ka wakiil ahi marna ma ay bannayn kaalinta ma-dhaafaanka ah ee ay kaga jirto guud ahaanba hagidda iyo horumarinta fanka Soomaaliyeed. Kooxaha kale ee ma-hadhada reebay ee dal iyo dadba soo maray waxa ka mid ahaa Kooxdii Barkhas ee ay ku bahoobeen guud ahaanba yeekayaashii fanka Soomaaliyeed ee toddobaatannadii. Ma lammaanihii laga dabo-dhacay ee Ilma Mooge Liibaan Babban baa……..Ma Axmed Maxamed Good baa……..Ma Axmed Cali Haaruun baa (Dararamle)……Ma Feysal Cumar Mushteed baa…….iyo qaar kaloo badan…..iyo qaar kaloo badan, waa halkii Maxamed Mooge e'.

Sida orodka qaarkii qoryaha la isugu dhiibo ayaa fankana la isugu dhiibaa oo weligii ma dhinto mana iisho. Haddii calankii Walaalo Hargeysa beryaha qaar ka dul babban jiray Hargeysa, maantana waxa halkoodii ku jira oo kaalintoodii buuxiyay Xiddigaha Geeska oo run ahaantii ah inta aynu Geeska iyo guud ahaanba Soomaali dheer nahay.

Kooxda Xiddigaha Geesku waxay heesihii ugu horreeyay soo saareen 2011kii iyaga oo aan ahayn wax Koox ah bal se ay kulmisay hibada rabbaaniga ahi, waxaanay 2/2/2013kii yeesheen Magac, Maamul iyo sharci. Kooxda waxa loogu wan-qalay Xiddigaha Geeska waxaana bixiyay Xasan Saleebaan Dhuxul oo loo yaqaanno Laab-saalax,mar uu iiga warramayay taariikhda Kooxda.

Kooxda Xiddigaha Geesku waxay u dhisan tahay:

Guddoomiye: Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax),

Guddoomiye-ku-xigeen: Axmed-weli Ibraahin (Furinle),

Xoghayaha Guud: Caydaruus Ismaaciil Cabdi,

Waxa intaas raaca Xubnaha Kooxda Xiddigaha Geeska oo gaadhaya ilaa 32 xubnood ama fannaan oo ka kooban:

Fannaaniin, Abwaanno, Muusigyahanno, Kamanyahanno, Qorayaal, Suxufiyiin, Maadeeyayaal, Jilayaal, Farsamo-yaqaanno iyo qaybo kale.

Xiddigahan Kooxda ka tirsani waxay isugu jiraan rag iyo dumar ku kala nool daafaha dunida: gude iyo dibadba. Hadba cidda cusub ee ku soo biireysa waa laga fadhiistaa si loo oggolaado, waxaana jira sharci Kooxda Xiddigaha lagu maammulo oo heshiis lagu yahay.

Xiddigo badan oo caan ah ayaa ka tirsan Kooxdan Xiddigaha Geeska. Waxa ka mid ah kuwa ugu caansan Maxamed Siciid oo loo yaqaan BK. Markii iigu horreysay ee aan shaashadaha ka daawaday ama ku arkayba waxay ku beegnayd ilaa 2010kii. Waxaan xusuustaa heestiisii ugu horreysay ee xusuusta la yaabka leh igu reebtay. Maalmahaas, waxa Jabuuti ka soo xagaa-baxday walaashay Ruqiya-Caneb oo xanuunsnaysay. Habeen, habeen ayaanu wada daawan jirnay hees waddaniya oo Maxamed BK qaadi jiray hablona u jiibinayeen. Waxay ahayd hees waddaniya oo uu curinteeda iska lahaa Mujaahid Muxumed Xaaji Soofe Kaneeco, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e'. Magaca heestu wuxu ahaa "Guud kaan kaa huwanayaa." Walaashay Ruqiya-Caneb markii ay Jabuuti ku noqonaysay waxay iga codsatay in aan u soo duubo, iyada oo habeen walba sugi jirtay in ay shaashadda mar kale ku aragto. Waxay iga codsatay in aan u soo duubo oo Jabuuti ugu diro, bal se ma ay calfan oo 14/12/2010kii ayay xijaabtay. Xusuustaas ayay BK iyo heestaasi igu leeyihiin. Dareenka Kaneeco ku curiyay iyo dareenka BK ku qaaday ayaan labadaba la wadaagaa. Xusuustaasina waa halkaas.

Si aad iila dhandhamisaan Heestan qiimaha iyo qiiradaba leh, aan idiin soo qoro beydkeedii 2aad, waxaanu Mujaahid Kaneeci yidhi:

Intaan goor xun kuu kacay,

Intaan baadi-goobkaa,

Gudcur dem ah xas kuu maray,

Gabadano qabow badan,

Gacmaa laabtay socodkii,

Intuu guluf i weeraray,

Gabbalkawgu riday dirir,

Kii garanayaa garan,

Anna iigu mudan gaar,

Intaasoo gedaafii,

Iyadoy i gaadhaad,

Godob-laawe ii tahay,

Taqsiin labada beyd ee heestan kala soorta ayaa ah:

Ku maad iman gibliyo sacab,

Guulle kuma ceshee,

Ha u noqon gadaal,

Geyi-nuure noo noqo,

Iyo ubad gardaadshaba,

Jiibta heestanina waa:

Guudkaan kaa huwanayaa,

Gaajo-tire Ilaahay,

Gebigaa ha kaa dhigo,

Gama'shina ka dheerow,

Godob-reebe noo noqo,

Iyo gacal-ku-hirashada,

 

(La soco qaybta 2aad berri, haddii Eebbe idmo)