Qab Waynnida Iyo Waxa Innagu Dhalliya: W/Q Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

0
808

Picture9Qab, waa wax ku abuurma qofka, kana soo bilaabbanta badanaa inta uu dhallinyarada yahay, waa dareen gala kuna dhaliya quudhsi, dareenkaasi waxa uu siinayaa farriin ah awoodda ku kaydsan in ay ka tayo wacan tahay kuwa dadka kale. Dhallinyaranimada waxa ugu horraysa xilliga uu qofku ninnimadiisa uu dareemo, inbadan ayaa la yidhaah hebel waxa uu ursaday kilkiladiisa, shiirka ka gamgamaya kilkiladiisa oo markii hore daadax ahayd ayuu is moodday nin buuxa, halkaas ayuuna ka keenayaa madax-taagga ugu horreeya. waana xilliyada uu ugu kibirka badan yahay, sidoo kale gabadhu xilliyada gabadhnimadeeda ay aragto iyana waxa ku dhasha Qab, odhan mayno dhammaan dadku waa ka siman yihiin se in kamid ah ayaa waxay la talaabsataan qabwayni.

Wax yaallaha abuurra qabka way kala duwan yihiin, in kamid ahi nolasha ladan ee qoyskoogu ku sugan yahay ayaa keensada in qofku qab wayni yeesho, in uu isku arko maadaama uu ka dhashay qoys dhaqaale iyo ilbaxnimo aqoonneed leh, waxa uu jeclaystaa in uu dadka gaar ka noqdo, in badan waxa uu isku arkayaa in dadkani la shaadh ahayn, nolashana ku kala duwan yihiin, sidaa darteed ayaa qofka waxa ku dhasha naxariis darro, waxaanna uu isha ka laliyaa dadka hooseeya dhaqaale ahaan, waxa sidoo kale uu quudhsadaa bulsho kale oo dhulka daadsanayn se garashadiisu fartay ma cid idinla siman ayaa jirta. 

Qofka oo aqoon isbida, qofka sidan ah kuma tiirsana qoys se waxa uu bartay ama uu gaadhay ayuu si gurracan ugu fikiraa. dadkanni kula aqoon maaha, kula gayaan maaha,  kuuma dhigmaan aqoon iyo garasho ahaan, taasina waxay keensataa in uu afka taago isaga oo ka dhacsan in uu bulsho badan ku waayi karo sidoo kale dafirsan aqoontu inayna ahayn bulshada inteeda kale inaad kaga dhex baxdo balse ay tahay in aad wax ugu qabato.  Qab oo ah xanuun qofka ku dhaca, dadka qaar waxa uu la soo darsaa mararka xil ummadeed qabtaan, waxa la darreemaa in uu iska kali yeellayo dadka intiisa kale, se inta badan kani waxa uu kaga duwan yahay kuwa kale waa mid xilku u been sheegay, maalinka laga qaado isaga oo kii hore oo kale ah ayaa la arkaa.

Qoraaga: qabku waxa kale oo uu ku dhacaa qoraayada, markaynu lee nahay qoraayada uma jeedno dhammaantood se waxaad arkaysaa in cirkaa isla maraysa, in aamminsan inaan qalinka la kaga daba dhufan Karin, in ay ummadda ugu qalin fiican yihiin, in dadku sidaa u og yihiin, umana ogga ee waxbaa isku sawiray, waxaad arkaysaa qaarkood intay dadka soo dhaafeen kadibna qalinka macaan ee hoosta ka aradan ee ay haystaan, in ay  Allihii abuuray kula dooddaan, xukunkani sax maaha, kan caqliga ayuuna gali Karin, tan waa laga gudbay, adduunku halka uu marayo xukunkani lama jaanqaadi karo, anniga waxaan lee yahay sidan ayaa sax ah, anniga… anniga… anniga. Xitaa waxa kale oo ay buufis ka qaadaan aqoon yahan kii uga horreeyay arrimahan, waxa kale oo dafiraan ama quudhsadaan nidaamkii hore ee hortood la dhigay, garashadoodu ma siiso wax ku kordhi se waxay ku qaracmayaan inta yare e ku dhex jirta. qabka nimankaa ku jira waa ka ugu kibirka badan, waxa xaqiiq ah in qabku dadka ku kala badan yahay, inta badanni se kama dawoobaan. 

Aftahannimada: waa jiraan dad badan oo afku xoogle ah in iyaguna aamminaan in aan la kaga daba-dhufan Karin, taas oo dhalisa in ay quudhsadaan dadka kale weedhooda, tooduna ula muuqato midda ugu saxsan. Waxa jira sidoo kale dad aqoon iyo maal midna lahayn se qab reernimo gashay, reerka aannu kasoo jeedno ma reer u dhigma ayaa jira!!, reerkayagu waa sidan iyo waa sidan, kan baannu nahay, waa la og yahay,  xanuunka noocan ah ee dadka qaar ku dhaca waa ka ugu xun, waana kuwa ugu ayaanka daran, faqiir qabwayn maxaad ka filan kartaa… Waxa iyana jira dad hawo madhani iska gashay, wax uun baa ku yidhi kan ayaad tahay, sidan ayaad tahay, kaas xitaa isma difaaci karo oo maaha nin soo rogan kara, waa dadkii la odhan jiray jinni boqor. Qab doqonnimo ayaa iyana jirta oo dad lagu arko, waa qof la saaxiib ah ama inta badan la socda qof madax ah, adduun haysta ama wax kasta oo dad loogu soo hiloobo ku suntan, ninka sidan ah waxay naftiisu u sawirtay maadaama aad hebel oo hebel ah la socoto maxaa kaa dhiman, gafuurka madhan se isagu is lee yahay uu buuxaa ayuu taagayaa, dhammaan dadka kale dukhsi ugama duwana, waa qof ay gashay naf uuna lahayn.

Ammaanta, dad qab wayni ka qaada ayaa iyaguna jira ammaanta, dadkan waxa ka dhaadhacaysa waxan la kugu sheegayo, waxan oo ammaan ah ee la kugu daldalayo waad mutaysatay, waanna wax aad kaga roon tahay dadka intooda kale, garashadiisu ma siiso iska baandhee iyo waa dhiirigalin, se waxay ku abuurraysaa xanuunkaas.

maaha oo qudha inta aynnu xusnay in uu ku kooban yahay, se dadka siyaabo kale oo intan oo kaliya ahayn ayuu ula darsi karaa. Qabku waa ka guda ballaadhan yahay isla waynida, santaaga, kibirka, waxaynnu sidaa u lee nahay qabku waxa uu keensadaa quudhsi, quudhsiguna waa dambi wayn oo bulsho dhan laga galo, halka kibirka iyo isla waynidu duruufaha ama xilliyo kooban ku siman yihiin. Wax sirirriya qabka ayaa jira, sida cayayaannku ugu sirirraan biifbaafta ayaa iyaguna ku sirirraan markay la kulmaan qof aan uba qabin qabka ku jira, iska hadloow inna Higarle, yaa kuuba og. Qabku marna laguma tirin karo ilbaxnimo sidoo kale marna laguma sheegi karo in ay hanwayni tahay, waa xanuun dareen ah oo qofka xanxantaynaya, waa wax u baahan culay, in si fiican qofka uu iskaga culo, in uu nafta xadhkaha goosatay xakame uu ku xidho.

In aad dareenkaaga u dhug yeellato waxay ku gayeysiin kartaa maan dad oo kaa sii jeeday inaad hanankarto, bulshada aynnu ka tirsannahay siyaabo badan ayey dadka u akhristaan, siyaabo badanna wax way ugu dhashaan, sidaa awgeed wanaaga iyo dadnimada suuban kuma jirto inay qabbi ku gasho, se wanaaga iyo garashada san waxay ku jirtaa ka mid noqoshada bulshada, la qaybsiga dareenka, la jooga ku dhex noolaanshaha, wax u qabadka, hoggaaminta, hogga-tusaalaynta lala barbartaagnaado.

Dawooyinka ugu fiican ee ay lee yihiin waa ku dhaqanka diinta, in ay oggaadaan cid lagu daydo ama laga dab qaato in uu ugu fiicnaa ERGAYGII ALLE soo diray (Muhammed) nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato e, sida uu dadka ula dhaqmi jiray guud ahaantood.

 

Email: asalalraac@yahoo.com