Digniin: Ha Dhayalsan In Aad Akhrido Warqadda Ku Dhegsan Khudradda Dibadda Laga Soo Waarido

0
607

Picture9Dubai (Geeska)- Sida aynu la wada soconno waxaa maalinba maalinta ka dambaysa suuqyada Jamhuuriyadda Somaliland ku soo badanaya khudaarta kala duwan iyo cuntooyinka isugu jira kuwo bisil iyo kuwo caydhin ah oo dibadda laga soo waarido. Waa arrin dunida oo dhan ka jirta, waana dabiici suuqa xorta ah in laga helo badeecado ka kala yimi daafaha dunida, waxa keliya ee la gudboon nidaamka dawliga ahina uu yahay in shay kasta oo dalkiisa imanaya uu eego tayadiisa, taariikhdiisa, faa’idooyinkiisa, iyo in badeecadda ama cuntadani tahay mid dalka laga heli karo oon u baahnayn in dibadda laga soo dhoofiyo.

Mar kasta oo aynu u sii dhaqaaqno dhinaca xasiloonida, dhaqaale iyo siyaasadeed iyo ammaanka waxaa hubaal ah in suuqyaduna sii cammirmayaan, sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay in muwaadinka iibsadaha ahi uu barto hababka kala duwan ee uu isagu naftiisa kaga hubin karo tayada cuntada iyo badeecadaha uu iibsanayo. Qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda MBC waxa ay si cilmiyeysan inoo baraysaa hab dhaqso ah oo uu iibsaduhu ku ogaan karo tayada khudradda dibadda laga soo waarido ee uu iibsanayo.

Sida aynu la soconno khudradaha dibadda ka yimaadda, haddii aanay khiyaamo ku jirin waxaa sharci ah in laga helo warqad yar oo uu ku qoran yahay lambar iyo ereyo kale. Lambarkaas oo ah kan uu qoraalkeennu ku waajahan yahay waxa uu u taagan yahay macne weyne oo la xidhiidha tayada shayga, nooca uu yahay, waxa uu ka kooban yahay, iyo weliba waxyaabaha bariminta khudraddan loo adeegsaday:

Bilowgaba waxa aad ogaataa in khudradaha suuqa imanayaa ay yihiin saddex nooc: Mid lagu bacarimiye walxo kiimikaad, iyo khudrad lagu bacarimiyey walxo dabiici ah oo aan warshadaysnayn ama sanco aan dabiic ahayn ku dhex jirin.

Marka aynu u soo noqonno macnaha ku duugan lambarrada ku qoran warqadda khudradda ku dhejisan:

– Haddii uu Lambarku ka kooban yahay shan god kuna bilowdo lambarka 9, waxa uu macnaheedu yahay in khudraddaasi ay tahay mid walxo dabiici ah oo aan warshad ama kiimiko lagu sancayn.

– Haddii Lambarku uu ka kooban yahay Afar god, oo uu ku bilowdo tirada 3 ama 4 macnaheedu waxa uu noqonayaa, in khudraddaasi ay tahay mid loo beeray qaabkii dhaqanka ahaan jiray ee dabiiciga ahaa.

– Haddiise uu lambarka ku qoran khudraddu ka kooban yahay Shan god, kuna bilowdo lambarka 8, macnaheedu waxa uu noqonayaa in cuntadani ay tahay jiiniska ay ka samaysan tahay qudhiisaba lagu sameeyey sancayn iyo in la horumariyo, waxaa lagu bacarimiyey shaybaadho.

Khubarada caafimaadka cuntadu waxa ay si aad ah uga digeen isticmaalka noocan saddexaad ee khudradda iyo guud ahaanba cuntada qaabkan loo bacarimiyey.

Arrinta xiisaha leh ee ay ka war la’ yihiin dadka badankooduna waxa ay tahay in warqaddan yar ee khudradda ku dhejisani ay tahay mid ka samaysan walxo cunto oo dabiici ah, sidaa awgeed ay haayadda cuntada iyo dawada ee dalka Maraykanka ayaa caddaysay in warqaddaas si caadi ah loo cuni karo oo ay cuntada uun la mid tahay.