Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Aragtiyo Kala Duwan Ka Bixiyay Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo

0
614

Picture6Hargeysa(Geeska):-Qaar ka mid ah xildhibaanada aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey khudbad sanadeedkii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), uu si wada jir shalay ugu jeediyey labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ugu horeyn la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo khudbadiisu ay ahayd mid uu ugu duur xulaayey sidii ay guurtidu ugu samayn lahayd muddo kordhin, balse aanay ahayn mid guud ahaanba ka turjumaysay xaalada guud ee dalka.

"Sida ka muuqatay maanta khudbada madaxweynaha waxaanu u arkaynay ama ay ahayd, mid macnaheedu ahaa golaha guurtida fariin ku socotay oo ah muddo kordhin ii sameeya, macno kale oo ay xambaarsanayd oo khudbada madaxweynaha ka muuqatay maanan arkayn, ama may jirinba sababta oo ah madaxweynahu hore waxaa uu u balan qaaday in aanu habeen ku korodhsanayn doorashadana uu wakhtigeeda ku qabanaayo, maantana waxaa uu golaha la soo hor fadhiistay eraygiisii ugu horeeyey ee ka soo baxay uu ahaa doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi mayso kadib marka aanu eegnay komishanka doorashooyinku muddada ay ku qabanayaan diiwaan galinta codbixiyeyaasha, sidaas darteed waxaanu ogalnay ayey yidhaahdeen in muddo kordhin loo sameeyo golahii iyo xukuumadiba arrinta iyada ahi waa mar mar siiyo aan geedna loogu soo gaban, madaxweynahana waxaa ay muujinaysaa in khudbadihiisii hore ee ahaa ahayd in doorahadu ay wakhtigeedii ku qabsoonto waxay ahayd khudbad habayaraatee aanay daacad ahayn oo af gobaadsi iska ahayd , imikana waxaan leenahay madaxweyne dalkan iyo dadkani sidan ku jiri maayaan, oo in doorasho iyo muddo kordhin loo sameeyo dadka aad ka mid tahay, waxaana ay doorashadu ku qabsoomi kartaa sanadkan gudihiisa marka ay diiwaan galinta dhameeyaan Noverber, waxa weeyaan December waa la gali karaa doorashada.".Ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:"Waan isku daynay marar hore, sanadkana waanu isku daynay horena waa la isugu dayey madaxweynaha in su'aalo la waydiiyo, waxa weeyaan awal hore codsiyo ayaabaanu ugu gudbinay isaga oo aan soo galin golaha oo aan imanba madasha, waa uu soo diiday sanadkan saxaafada ayaanu u marinay oo aanu ka codsanay in uu aqbalo in su'aalo la waydiiyo maxaa yeelay annagu bulshada ayaanu ku dhex nool nahay oo marxaladeeda iyo xaaladeeda nololeedba waanu ognahay, waana aanu ka warhaynaa halka isaga ay tobanka ku hareeraysan oo qudha uu warkooda dhagaysto.".

Xidhibaan Baar Siciid oo iyaduna halkaasi ka hadashay, ayaa sheegtay in khudbadii madaxweyne Siilaanyo uu shalay ka jeediyey Baarlamaanka Somaliland aanay ahayn mid wax badan kaga duwan kuwii hore ee uu ka jeedin jiray aqalkaasi, waxaana ay sida oo kale carabka ku dhufatay in loo diiday ka xildhibaano ahaan in ay madaxweynaha su’aalo waydiiyaan iyada oo soo bandhigtay su’aalo ay sheegtay in ay waydiin lahaayeen madaxweyne Siilaanyo.

"Madaxweynahu afartii sano ee hore ee uu khudbada jeediyey khudbadii hore ayuunbay la mid ahayd wax cusub kumuu soo kordhin, su'aalo ayaanu waydiin lahayn su'aalihiina nasiib darro la nooma ogalaan in aanu waydiino, waxaa ka mid ahaa xuduudaha bariga oo laga soo raray ciidankii ciidankii qaranka oo meelo soke la keenay, markaa bal waxaanu waydiin lahayn ciidankii qaranka sababta xuduudaha looga soo raray , ma wadankii ayaa xuduudkiisii la soo durkiyey oo wadankii ayaa qayb laga soo guuray, su'aalaha aanu waydiin lahayn kuwaas ayaa ka mid ahaa iyo kuwo kale oo fara badan, markaa khudbadani waxba kamay duwanayn waxii uu hore u akhriyi jiray."Ayey tidhi Xill.Baar Siciid.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa iftiimiyey in khudbadii madaxweynahu ahayd mid khudbad aad u wanaagsan isla mar ahaantaana si guud uga turjumaysay xaalada guud ee dalka.

"Madaxweynahu waxaa uu halkan u yimi in uu khudbadii sanadka jeediyo, oo waxii ay dawladu qabatay iyo waxa soo socda intaba waa uu ka hadlay arrimihii dibada waa uu ka hadlay nabad galyadii waa uu ka hadlay markaa dee meel su'aal laga waydiiyo annagu mabaanan arag waxa weeyaan, annagu dee nimankan iska qaylinaaya waad arkayseen oo qolo Waddani ah oo waliba sii waalanaysa, wax allaale iyo wax uu madaxweynahu ka tagay ma jirto, waxaanu leenahay aynu la shaqayno madaxweynaha oo wadanka qalaan qalka aynu ka dayno, hadhow marka ay soo fadhiistaan yaa illaalin doona haday soo fadhiistaanba kurisiga oo RRU-dii waxbaa ay ka sheegayaan ciidankii waxbaa ay ka sheegayaan, wax walba waxbaa ay ka sheegayaan, markaa waxa weeyaan niman mucaaradnimo uun u galaaya. madaxweynahuna khudbad fiican ayaa uu jeediyey raalina waanu ka nahay.".Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

Xildhibaan Waabeeye oo isaguna sida oo kale ka mid ah mudanayaasha aqalka wakiilada, ayaa dhankiisa waxaa uu isna soo dhaweeyey khudbadii madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu madaxweynaha ku ku sifeeyey mas’uul aan mudadii uu talada dalka hayey mar qudha ka habsaamin jeedinta khudbad sanadeedka dastuuriga ah ee dalka. "Madaxweynaha Somaliland mudadii uu xilka hayey waa madaxweynaha kaliya, ee khudbada dastuuriga ah ee labada gole loo jeediyo aan gole mar qudha ka habsaami, waxaana ay khudbadiisu ahayd laba dhinac oo hurmarka balaadhan ee ay xukuumadiisu samaysan ah oo runtii ah mid la wada arki karo, ta labaadna waxaa ay ahayd madaxweynahii doorashada in uu diyaar u yahay, waxii xisbiga Kulmiye iyo dawladiisa kaga aadanaana in uu dhameeyey wada-tashigii ay mucaaradku ka hadli jireen in uu diyaar u yahay oo uu soo dhawaynaayo.".Ayuu yidhi Waabeeye.