Dawladda Somaliya Oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Wada Hadalka Somaliland

0
612

Picture5Muqdisho(Geeska)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay inay ka go’an tahay Xukuumadda in la sii wado Wada hadalada iyaga iyo Somaliland.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in wada hadalka uu mar walba yahay jidka kaliya ee u furan Soomaalida, “Wada hadalku mar walba waa jidka kaliya ee u furan umadda Soomaaliyeed, waxaan aamminsannahay inaan wada hadli karno, hal Soomaaliya ayaa jirta laakin waan kala aragti duwannahay”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlayay barnaamij dood ah oo ka baxayay warbaahinta dowladda shalay oo jimce ahayd.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aamminsan tahay in la wada hadli karo, sidaas darteedna aan loo baahnayn in cid kale ay dhex dhexaadiso dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. “Inaan wada hadalno ayaanba diyaar u nahaye dadka kale maxaa looga baahan yahay” ayuu yidhi Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga soo weydiiyay wada hadalka Somaliland iyo shuruuda ay ku xidheen inay la fadhiistaan dowladda Soomaaliya.

 Dawlada Somaliland ayaa hore ugu xidhay wada hadal dhex mara Somaliya shuruud ah inaan laga qayb galin  dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Soamliland.