Dawladda Muqdisho Oo Ku Dhawaaqday In Ay Ku Biirayso Isbahaysiga Duullaanka Yemen

0
590

Picture4Muqdisho (Geeska)- Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay ku biirayso isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo ee ka dhanka ah kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Sharqal Aawsat ayaa lagu sheegay in war-murtiyeed shalay ka soo baxay wasaaradda arrimaa dibadda ee Soomaaliya, lagu yidhi, “Xukuumadda Soomaaliya waxa ay garab taagan tahay, hawlgalka “Caasifatul Xasm” ee ay hoggaaminayso boqortooyada Sucuudigu si dalka Yemen looga dheereeyo in uu dagaal sokeeye ka dhaco,  loona xoojiyo midnimada iyo deggenaanshiyaha dalkaas”

War-murtiyeedkan oo lagu ammaanay go’aanka duullaankan ee boqor Salmaanka dalka Sucuudiga ayaa lagu yidhi, “Walaalnimada ayaa waajib ka dhigaysa in la garab istaago sharciyadda Jamhuuriyadda Yemen, shacabka Yemenna lagu mideeyo madaxweynaha la doortay ee Cabdirabbi Mansuur Haadi”

War-martiyeedka dawladda Muqdisho waxaa lagu sheegay in midnimada dalka Yemen ay tahay khad cas oo aan la taaban karin, iyo in ay dawladda Soomaaliya taageersan tahay qorshe nabadeedkii dalalka Gacanka Carabtu ay hore uga soo saareen qadiyadda dalka Yemen.

Dhinaca kalana war-murtiyeedkan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dalka Yemen iskaashi kala samayso ka hortagga falalka budhcad badeedka, ee khatarta ku ah isu-socodka badaha, gaar ahaan marin biyoodka Baab Al-Mendab.

Si kastaba ha ahaato ee war-murtiyeedka dawladda taagta daran ee Muqdisho laguma sheegin qaabka uu noqon doono taageerada ay kaga qayb qaadanayso hawlgalkan loogu magac daray, “Duufaantii go’aaminta” in kasta oo ay Sharqal Aawsat sheegayso in ilo-xog-ogaal ah ay ka heshay in Soomaaliya ay dalka Sucuudiga u fasaxday in uu adeegsado hawadeeda, iyo badaheeda si jihooyin kala duwan looga keeno weerarka ka dhanka ah Xuuthiyiinta.

Weli dalka Sucuudiga ee hoggaaminaya weerarkan kama uu soo bixin war rasmiya oo sheegaya in uu danaynayo badaha iyo hawada Soomaaliya, waaxase jira warar labadii maalmood ee u dambaysay la isla dhex marayey oo sheegaya in Isbahaysiga Khaliijku uu danaynayo isticmaalka dekedaha dalkii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo dekedda Somaliland iyo sidoo kale madaarka magaalada Berbera oo hadda ka hor ahaan jiray madaar milateri oo leh dhabbe ku habboon diyaaradaha dagaalka leh. Haddii ay danaynta Sucuudiga ee dekedahani run tahay waxaa muuqanaysa in qorshaha weerar ee Sucuudiga ay ku jirto in uu duullaan ku qaado dekedaha dalka Yemen oo dhinaca kale ee badda uun ku yaalla gacantana ay ku hayaan maleeshiyada Shiicada ah ee Xuuthiyiintu, taas oo hawl badan u fududaynaysa dawladaha isubahaystay duullaankan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo maalintii shalay khudbad sannadeedkiisii shanaad ee dastuuriga ahaa u jeediyey labada aqal ee Baarlamanka ayaa sheegay in ay taageerayaan duullaanka Sucuudiga iyo sagaalka dal ee ay is-bahaysteen ku qaadeen Yemen, iyo in ay nabadgelyada badda u dhaxaysa Yemen iyo Somaliland kala shaqaynayaan dalalkaas, laakiin madaxweyne Siilaanyo ma’uu sheegin haddiiba uu jiro dalab Sucuudiga ama meelo kale uga yimid oo la xidhiidha in ay Somaliland si uun dagaalkaas gacan uga geysato.