Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Shaqaale Bartay Luuqada Ingiriisida

0
670

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Prof: Maxamed Mixile Boqore ayaa shahaadooyin guddoonsiyay qaar ka mid ah Shaqaalaha ka hawlgala xarumaha dawlada  oo muddo sannad ah baranayay luuqada Engelishka (English Diploma Program).

Munaasibada Shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay Shaqaalaha Dawladda ee qalan jabiyey, oo lagu qabtay Xarunta Tababarka Dawladda ayaa waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Prof: Maxamed Mixile Boqore, masuuliyiinta Machadka iyo martisharaf kale,

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Prof: Maxamed Mixile Boqorre ayaa shaqaalahan ku bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay duruustan baranayeen“Sanadka aad ku soo takhasuusteen waxbarashada Engelish Diploma, luuqadaasi waxay idin kaabi doontaa ama ay idin xoojin doontaa waxbarashadiina dambe, markaa waxaad halkan ka arkaysaan in Machadka shaqaalaha dawlada hadafkiisu sareeyo siduu Agaasimaha guud ee Machadku sheegayay in xaga haweenka aad aad ugu fiican tihiin.

 Bulshada reer Somaliland  iyo hay’addaha dawladu waa inay ogaadaan in Machadkani waxa ka socda inay horumar heersare ah tahay oo dadkaa marka hore la maalgeliyaa, hadaad dadka maageliso markaasu wadankuna horumarayaa oo la fikirayaa, oo fikir wanagasan baa imanaya, waxaan kaga faa’idaysanayaa aniga oo ku cusub hay’adda shaqaalaha in sharci loo soo saari doono oo lagu dhaqi doono qoladiina shaqaalaha ah oo dalacaadiina, anshaxmarintiina wax walba hadda waanu la soconaynaa.” Ayuu yidhi Prof: Mixile

Agaasimaha Machadka tababarka shaqaalaha dawlada Guuleed Cumar Siciid iyo ku xigeenkiisa Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil ayaa si wada jir ah u sharaxay ujeedada ay salka ku hayso in la dhiso aqoonta shaqaalaha ee hawlgala xarumaha dawlada, si guul looga gaadho adeegyada ay bulshada u qabtaan.

Dhana kale waxa iyana halkaas ka hadlay Cabdiqaadir Kaamil oo ah hormoodka kuuliyadaha gaabagaba ee Machadka Tababarka, Agaasime ku xigeenka Machadka Tababarka Xirsi Cabdillaahi Cismaan, Prof Ibraahim Sheekh Muuse, iyo qaar ka mid ah Ardayda,

Ugu dambayntiina Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Prof: Maxamed Mixiled Boqorre ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay shaqaalahan muddada sanadka ah baranayay luuqada Engelishka.