Hargeysa: Gunaanadka Tababar Ku Saabsan Ururinta Cilmi Baadhista Arrimaha Caafimaadka

0
661

Picture2

Hargeysa(Geeska)-  Aqoon korodhsi ku Saabsan qaabka loo ururiyo Daraasaadka iyo Cilmi baadhista la Xidhiidha Arimaha Caafimaadka oo mudo laba todobaad ah u Socday Shan iyo Toban (15) Dhaqtar oo Somaliland ah ayaa  lagusoo gabagabeeyay Hotel Maansoor Magaaladda Hargeysa.

Aqoon korodhsigan oo ay Qabteen Ururka Dhaqaatiirta Somaliland (SMA) waxa Tababarka Bixinayay  Dr. Axmed Xuseen Ciisa iyo Dr.Peiter Kithuka kaasoo ay maalgaliyeen Hay'adda THET

Dhakhaatiirtan oo isugu jira Kuwii hore iyo kuwa Danbe kana kala socday Gobolada Maroodijeex Togdheer Awdal Sanaag iyo sool Munaasibada lagusoo Xidhayay Aqoon korodhsigan waxa ugu horaynba ka hadlay Drr.Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ahaa Khubaradda soo Bandhigayay Daraasaadkan kaas oo Sheegay in Aqoontani ay tahay mid Dalkeena Ugub ku ah isla markaana laga soo saaray ilaa iyo Sadex daraasadood oo heer Caalami ah lana Talaabsanaya Casrigan Farsamada iyo Isgaadhsiintu ay hore u mareen.kuwaasoo mudan in lagu qoro Wargeysyadda ugu muhiimsan Aduunkan aynu ku noolahay kuwaas oo ku tacaluqa Dhibaatooyinka la soo Darsa Hooyadda iyo Dhalaanka Xiliga Foosha Islamarkaan u mahad Celiyay Dhaqaatiirtii kazoo qaybgashay Aqoonkorodhsigan oo uu sheegay in ay u heelanaayeen  in ay kor u qaadaan Nolosha Dadkooda

 Dr.Pieter oo ka Socday Dalka Kenya ayaa Isaguna halkaasi  Cadeeyay in uu dhankiisa  ka qaadanay Aqoonkorodhsi la xidhiidha Nabadda taala Somaliland Fariin Culusna uu kula noqondoono Wadankiisii.

Dr.Gudoon oo iyadanu iyaduna ku hadlaysay Afka Dhaqaatiirta aqoontan Baranaysay ayaa u u mahadnaqday Khubarada Casharadda soo Gudbinaysay iyo Ururuka Dhaqaatiirta oo soo qabanqabiyay Hawshan Muhimka ah oo ay Sheegtay mid ay u baahanyihiin bahda Dhaqaatiirta ay ka mid tahay. wixii halkaa ay ka qaateena ku dabaqi doonaan maad ee isdaba jooga ah waxa isaguna halkaa ka hadlay Dr.Gorgian oo ka socday Hay'ada Thet oo ka mahadnaqay hawsha la qabtay.

ugu Danbayna waxa soo aqoonkorodhsigan soo xidhay  Gudoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Somaliland Dr. Rashiid Xaashi Cabdi oo u mahadnaqay Dhaqaatiirtii nasiibka u heshay Cilmi baadhistan iyo Ururka Dhaqaatiirta Somaliland (SMA) oo Fulinteeda lahaa Hay'adda THET iyo khubarada aqoontan soo Gudbisay intaba, kaasoo sheegay in Arimaha Baadhitaan ee Caafimaadku guud ahaanba ay u baahanyihiin Qorshe miisaaniyadeed oo aad u fudud waxwayna qabankara, isagoo Sheegay guulaha ay ka gaadheen Wadamo Afrikaan ah oo Kumanaan daraasadood soo saara sanadkasta. Dr.Rashiid waxa uu ka Cudurdaartay dhaqaatiir badan oo Soo codsaday aqoon-korodhsigan hase ahaatee aan nasiib u helin isagoo intaa ku daray in uu ku dadaali doono sidii tiro intan ka badan oo dhaqaatiir ah loo siin lahaa Aqoontan Casriga ah