Tababar Ku Saabsan Daryeelka Dameeraha Oo Shalay Ka Bilaabmay Caasimada Hargeysa

0
715

Picture1Hargaysa(Geeska), Tababar ku saabsan ilaalinta, xanaanaynta iyo sida looga hortagi karo tacadiyada Dameeraha ayaa lagu qabtay Hadhwanaag Hotel ee Magaalada Hargeysa. Tababarkan oo socon doono laba cisho ayaa waxa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin  Agaasimaha Cadaalada,Agaasimaha Xanaanada Xoolaha,Xildhibaano iyo Marti sharaf badan.

Agaasimaha Ururka u dooda xuquuqda Dameeraha Dr Cali Xasan Xirsi oo isagu Tababarkan qabtay  ayaa waxa Tababarkan si gaar ah loogu qabtay dadka iyagu ku adeegta Dameeraha.

Agaasimaha Ururka u dooda xuquuqda Dameeraha oo ugu horeyn Tababarkaas ka hadlay ayaa ka waramay tacadiyada lagu hayso Dameeraha iyo sida looga saari karo waxaana uu yidhi.“Aqoon korodhsigan waxaanu u qabanay Dadka dameeraha ku shaqaysta ,kaas oo faa’ido badan iyo intifaac badan runtii u leh dadka,isla markaana aan la daryeelin,ujeedooyinka ugu muhiimsan ee aanu u qabanay kulankani waxa weeyaan in laga hadlo tacadiga baahsan ee lagu hayo dameeraha iyo in kor loo qaado aqoonta dadka dameeraha iska leh si ay fursad ugu helaan in ay daryeelaan Dameerahood,waxaana loo baahan yahay in lasameeyo xeer ah Sharci ay dawlada hoos ee Hargaysi soo saarto”. Dr Axmed Caydiid Odawaa oo isaguna Madasha hadalo kooban ka soo jeediyay ayaa ku dheeraaday Faa’idada uu dameerku leeyahay iyo sida uu ugu baahan yahay in La ilaaliyo si uu u tamariyo Dameerku waxaana uu yidhi “Dameerku Sida bini’aadanka ayuu u dam-qanayaa,Intaas wax ka daran neefkaas ilaahay abuuray inaad dhan-gad ugu darto,waxaad arkaysaa dameer lagu shaqaystay oo garba beelay oo cidiyuhu ku baxeen qaarna Lugahu qalooc meen,waxaana loo baahan yahay in la ilaaliyo,tacadiga iyo hagar daamadana laga daayo,intaas aan suuqa marayay wali maan arag cid leh isaga oo alaab culus la saaray oo waliba loogu daray Ul cid leh ka daaya,markaas kulan kan waxa loo baahan yahay in laga soo saaro adeegyo bidho dhal ah,madaama oo idinkuna tihiin dadkii dameeraha lahaa inaad siisaan xaqiisa ayaa loo baahn yahay”.

Dhinaca kale waxa isna halkaas ka hadlay Cabdi Qaadir oo ka socday Shirkada Dahabshiil waxaana uu ka waramay sida loo ilaaliyo Dameeraha iyo tacadiyada ku dhaca isaga oo u mahad naqay ururka isku hawlay sidii loo yarayn lahaa Arimahaas oo dhan,waxaana uu soo jeediyay inay Golaha Sharci dajintu xeer ka soo saarnaa lagu ilaalinayo Dameeraha. Caaqil Maxamed Xirsi iyo Garaad Mahad oo halkaas ka hadlay ayaa waxay si isku mid ah uga wada hadleen In la joojiyo tacadiga ku dhaca Dameeraha,waxaana ay cadeyeen in loo baahan yahay in Sharci adag oo lagu dhaqo dameeraha loo baahan yahay in la sameeyo. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cadaalada Khadar Axmed Diiriye Ayaa isaguna sheegay in ay kula xisaabtami doonaan Mulkiilayaasha Dameeraha haday tacadi kula kacaan,loona baahan yahay inay xuquuqdooda siiyaan. Agaasimaha wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu Cadeeyay inay qasab ku tahay inay ilaaliyaan Siday Xuquuqdooda u ilaaliyaan  Dameeraha,isaga oo soo jeediyayna in waajib tahay marka ay ku shaqeeyaan Dameeraha in ay iyagana Siiyaan Xaqooda. Dhinaca kale waxa hal ku dhig ay uga dhigeen ”Intaan Duunyadda ku soo saarayay,Daryeelbaan kugu haystay,Markay Da’i ii run sheegtay Daaqaddaad iga tuurtay,Qof kasta oo leh Dameer ama mayeedhaan aan ka dam-qanayn waxa la saaray in Laga daayo tacadiga loona tudho”.