Talooyin Kaa Caawinaya In Adiga Oo Gaadhiga Wata Aad Dhowrto Shidaalka Kugu Jira (Q:2aad)

0
680

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qaar ka mid ah qaladaadka keena in gaadhigu uu shidaal badan isticmaalo iyo talooyin muhiim ah oo innaga caawinaya in aynu shidaalka tashiilanno. Waxa aanay kala yihiin:

4. Qaboojiyaha (AC): Haddii aad niyadda ku hayso in aad shidaalka u madhxiso gaadhiga, Iska jir isticmaalka badan ee qaboojiyaha. Mar kasta oo aad qaboojiyaha (AC) shiddo waxa aad culays saaraysaa mishiinka gaadhiga, taasna macnaheedu waa in uu mishiinku kordhinayo shidaalkii uu isticmaalayey. Khubarada arrimahan u kuurgalay waxa ay sheegayaan in isticmaalka qaboojiyaha oo aad iska deysaa ay ku faa’idaynayso in aad madhxisato boqolkiiba 20 shidaalkii uu gaadhigu kaa isticmaalayey markii uu daarnaa qaboojiyuhu.

5. Gaadhiga istaadhnaada isaga oo aan socon: Waxaa fiican in haddii uu gaadhigaagu taagnaanayo wax ka badan laba daqiiqo aad baqtiiso, xitaa marka uu jidku cidhiidhiga yahay ee aad dareensantay in muddo aad taagnaanayso gaadhiga baqtiim taasi waxa ay leedahay laba faa’ido oo kala ah; in shidaalka isticmaalkiisu yaraado iyo in gaadhi uu nasto oo uu mishiinku helo fursad uu dib ugu soo ceshado firfircoonida.

6. Naqaska taayirrada: Mar kasta oo uu dhiman yahay naqaska taayirku u baahan yahay, waxa ay keenaysaa in gaadhigu uu ka cuslaado inta dabiiciga ah, taasina waxa ay culays ku kordhinaysaa mishiinka, waxaana ka dhalanaysa in uu shidaal inta caadiga ah ka badan isticmaalo. Ku dadaal in taayirrada (Shaagagga) gaadhigaagu ay noqdaan kuwo uu ku jiro naqas ah inta saxda ah ee loogu tala galay.

7. Adeegsiga laawarka (Xawaareeye ama saliidda): Si aad uga taxaddarto in gaadhigu uu kaa isticmaalo shidala badan, waxa aad ku dadaashaa in aad laawarka gaadhiga si deggen oo aan cadaadis xooggan ama kedis ahi ku jirin u qabato laawarka ama saliidda gaadhiga. Tusaale ahaan marka aad dhaqaaqayso ama aad doonayso in aad kordhiso xawaaraha aad ku socoto. Laawarka sida ugu habboon ee aad u isticmaali kartaa waa in aad si deggen oo dhowris u eeg aad hoos ugu cadaadiso adiga oo aan xoog u saarayn cagta si aanu u cabudhin, ama aan si aan isu dheelli tirnayn kolba dhan u wadayn. Dhammaad