Qiso Ku Cibro Qaadasho Mudan Oo Ina Baraysa Wanaagga Ay Leedahay Dhowrista Ammaanadu

0
1356

Hargeysa (Geeska)- Ammanadu waa calaamad ka mid ah calaamadah iimaanka, iyada oo la waayaana waxa ay astaan u tahay in Qiyaamihii soo dhowyahay, dadka wanaagsan ayaana caan ku ah, weligoodna ku ahaan jiray ammaanada.

Qisadan oo uu Geeska Afrika afka hooyo u soo beddelay ayaa waxaa ka sheekeeyey Sheekhii weynaa ee Ibnu Caqiil ayaa markhaati fiican u ah sida ay muslimiintii hore ammanada u dhowri jireen. Waxa aanay qisadu leedahay;

“Aniga oo ku jira safar aan ku tegayey xajka ayaan helay silis ka samaysan macdanta Luulka la yidhaahdo, markii aan muddo aad u gaaban hayey siliskii ayaan maqlay nin dhawaaqaya oo sheegaya in uu ka lumay silis noocaas ah ciddii heshana uu siinayo abaalgud lacag ah. Inta aan soo qaaday ayaan siiyey, kadibna waxa aan ka diiday in aan ka qaato wax abaalgud ah. Muddo badan ka dib ayaan u safray tuulada Xilb ee Suuriya (Xilib hadda waa magaalo aad u weyn). Aniga oo aad u soo daalay gaajo badanna I hayso oo ay tahay ramadaan ayaan imi masjid ku yaallay tuulada. Dad wanaagsan oo joogay ayaa I siiyey afur, kadibna waxa ay igu riixeen in aan tukiyo. Markii aanu salaaddii ka baxnay ayaa ay ii yimaaddeen odayaal deegaanka ahi, waxa aanay ii sheegeen in Iimaamkoodii masaajidkani uu ka geeriyoodey, cid kaalintiisii buuxisana aanay haysan. Sidaa awgeedna waxa ay iga codsadeen in aan la joogo imaamna u noqdo, taas oo aan ka aqbalay.

Markii aan muddo ku noolaa tuulihii ayaa ay odayaashii mar labaad iga codsadeen in aan guursado Inan aad u waangsan oo uu dhalay imaamkoodii geeriyoodey. Waan aqbalay waxa aanay ii noqotay gabadh aan aad u jecelahay, Sannaad ayaan qabay waxa aanay ii dhashay wiil. Sannadkaas kadib ayaa ay bukootey xaaskaygii, maalin aniga oo la joogo xaaskaygan buka ayaan si lama filaan ah ugu arkay qoorteeda siliskii aan berigii helay ee aan u celiyey ninkii lahaa. Markii aan gartey in uu siliskani isagii yahay ayaan uga waramay qisadii iyo in aan beri siliskan helay. Gabadhii aad ayaa ay u oydey waxa aanay tidhi, “Wallaahi waa adigii…!” Waxa ay ii sheegtay in ninkan aan sheegayo ee siliskan lahaa uu ahaa aabaheed. Oo uu qisadan lafteeda uga sheekeeyey iyo in uu mar kasta ku ducaysan jiray, “Allahayoow inantayda sii ninkaas oo kale”

Muddo gaaban kadib ayaa ay gabadhii geeriyootey. Waxa aan dib ugu soo guryo noqday deegaankaygii aan markii hore ka tegey aniga oo sita ilamahaygii iyo Siliskii oo aanu ka dhaxalnay xaaskayga.