Gud. Faysal C. Waraabe Oo Ka Hadlay, Tirada Golaha Wasiirrada, Wax Qabadkii Samaale, Weerarro Lagu Qaado Dadka Xukuumadda Naqdiya, Hadalkii Muuse Biixi & Arrimo Kale

0
672

Picture9Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumadda iyo golaha wakiillada ku eedeeyey in ay wada jir masuul uga yihiin dib u dhaca doorashada, isaga oo sheegay in aan xukuumadda oo keliya lagu eedayn karin dib u dhacaas, balse Golaha Wakiiladu muddo Shan Sanno ah ay sharci daro ku joogeen, qeybna ka yihiin dib u dhaca Doorashada.

Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaga oo ku sugan dalka Findland waraysi gaar ah khadka telefoonka ku siiyey Wargeyska Geeska Afrika waxa kale oo uu, arrin aad loola yaabo iyo fool xumo ku tilmaamay isku shandhayntii ugu dambeysay ee uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa, isaga oo ku tilmaamay in ay ahayd mid aan loo baahnayn oo dalka iyo dadkuba aanay qaadin karin Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dawlayaal dheeraad ah.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu jawaab ka bixiyey hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo sheegay in xilligii doorashooyinkii 2003da ay Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro, xisbiga KULMIYE talooyin siiyeen, isaga oo ka marag kacay in ay arintaasi run tahay, oo wakhtigii Daahir Rayaale ay talooyin badan siiyeen Kulmiye, balse aanay ujeedadu ahayn in khaladadka lagu sii socdo loona badheedho.

Isaga oo guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka hadlaaya arrimahaas iyo qodobbo kale oo ay ka mid yihiin wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee burburay, Is-casilaaddii Cabdicasiis Samaale, Khudbada Maanta ee la filayo inuu Madaxweynuhu ka hor jeediyo Golaha Barlamaanka, Komishanka Doorashooyinka iyo waajibka saaran iyo dhaqanno uu sheegay inay dalka ku soo kordhayaan, waxa aanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay

“Waxa aan soo afjarayaa socdaalkaygii dublamaysiyadeed, ee aan Yurub ku maraayey, bisha shanteeda ayaan soo afjarayaa, oo haddii ALLE yidhaahdo aan London ku noqonayaa, Shir jaraa’id ayaanan ku qaban doonaa London, oo aan kaga hadli doono xaalada, aayaha iyo halka uu dalku taagan yahay iyo ujeedada socdalkaygaba, waxa aan doonaya in aan dadka reer Somaliland toos ula hadlo, oo halka ay wax inoo marayaan, siyaasadeena arimaha dibada iyo guddahaba ka hadlo.

“Dadka aan ku soo maray Wadamada Yurub,  aad iyo aad ayaa ay u warwarsan yihiin, laakiin waan soo gubaabiyey, waxa aan kula  taliyey in 18ka  May, Wadan kasta laga sameeyo mudaharaad, ku saabsan qadiyada dalka”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa mar uu ka hadlaayey go’aankii Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha Wada-tashiga ayaa yidhi, “Go’aankii Xisbiyada Mucaararadka iyo Madashu ay wadagaadheen waanu taageersannahay, mawqifka Xisbigayguna waa caynkaas, waa Siyaasadda Xisbiga UCID, waa taan ku dhawaaqi jiray ee aan lahaa ha la isku yimaado ha la sameeyo wada hadal Qaran, halla sameeyo Dawlad wadaag ah, oo dalka daadihisa, gaadhsiisana inta Doorashada ka hadhay”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko isku shandhayntii, xilal ka qaadistii iyo isku beddelkii xukuumadda uu dhowaan madaxweynuhu ku sameeyey, ayaa ku jawaabay, “Laba Arrimoodba aad ayaa ay u fuul xun yihiin, ka hore waa isku shandhayntii uu madaxweynuhu sameeyey dhowaan, waxa ay ahayd isku shandhayn aan loo baahnayn; Ta labaadna waa wasiiradda iyo wasiir ku xigeenada uu kordhiyey ee dalka iyo dadkuba aanay qaadi karayn maaha wax loo baahan yahay. Waxa ay arimahaas oo dhami ina tusayaan in aanay arrimuhu si fiican u soconin, waxa aan u arka in waxaasi wax sii soconaya aanay ahayn, ummadda iyo Dalkuna ma qaadi karo Wasiirraddan, Wasiir-ku-xigeennadan iyo Wasiiru-dawlayaashan faraha badan,  waxaasi wax loo dulqaadan karo maaha, talaabo aad u foolxunna waan u arkaa, oo aan ka turjumaynin himillada, wanaagga iyo hoggaanka dalkaba, waxaanan jecel ahay inay soo afjaranto 26-june, oo dawlad loo wada dhan yahay, tayo leh oo yar aadna u kooban oo dalka gaadhsisa Doorasho xalaal ah, la sameeyo, oo ay wada tashi ku timaado ayaan jecel ahay, haddii ALLE yidhaah”. Guddoomiyaha Xisbiga UCID,ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko hadalkii Muuse Biixi ee ku saabsanaa in Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ay talooyin siiyeen Xisbiga Kulmiye wakhtigii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ayaa ku jawaabay “Wey jirtaa in aanu aniga iyo Cabdiraxmaan Cirro nidhi waa in danta dalka laga horeeysiiyo wax kasta.

Markii Daahir Rayaale Kaahin dalka ka talinayey, ee dhawrka jeer Doorashooyinku dib u dhaceen, laakiin maaha taas micnaheedu khaladkii dhacay ee Dawladdii Rayaale aanu ku haysanay in lagu celiyo, loona badheedho, oo mar dambe la sameeyo, waxaa loo baahanyahay in dastuurka la ixtiraamo, haddii Dadku aanay Sharciga ixtiraaminna wax u dhexayanayaa ma jiro”. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Barlamaanka iyo Madaxweynaha waxa uu yidhi “Sharcigu si cad ayuu u sheegaya wakhtiga Madaxweyanaha iyo Barlamaanka ay kaga dhan tahay wakhtigoodii, waxaan leeyahay Barlamaanka iyo Madaxweynaha wakhtigoodii wuu dhammaanayaa, sidii lagu bedeli lahaa iyo wixii la yeeli lahaa waa in laga tashada”.

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey muddayntii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ay dhowaan ku dhawaaqeen Komishanka doorashooyinku, ayaa yidhi, “Komishanku doorashada dib uma ay dhigin, ee hawsha ayaa dib u dhacday, laakiin Komishanka ayaa awood u leh wakhtiga ay hawsha qaban karayaan, waliba in ay si cad oo xaq ah ay u soo caddeeyaan, oo sida ay wax u jiraan ay soo hor dhigaan Axsaabta Qaranka ayaanu ka filaynaa, balse doorashada waxa dib u dhigay, Wakiilada iyo Xukuumadda, yaan la kala reebin, waxaana waliba sii daran Wakiillada, oo Toban sanno ayaa ay golaha joogaan, oo Shan Sano bilaa sharci tahay, maaha inaynu eegno uun xukuumadda oo wakhtigeedii uu imika uun dhamaanayo, ee waa inaynu eegnaa kuwa wakhtigoodii dhamaaday, ee haddana aanu sharcigii qaban ee iska fadhiya, ee Asxaabta siyaasadoodii ka leexday, oo iskood u socda, maaha in dawladda oo qudha laga hadlaa waa in iyagana laga hadlaa”.   

Eng Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa aan warwar weyn ka qabaa arintan weyn ee soo baxday ee dadka loo hanjabayo, oo dadka dawladda wax ka sheega la soo hujuumayo, waxa aan caado inoo ahaan jirin ayaa dalkii ku soo kordhay, arintaasina waxa ay keeni doontaa foolxumo weyn iyo sumcad darro weyn. Warwar weyn ayaan ka qaba xaaladda uu dalku marayo, waxaana ka baryayaa dawladda inay dhego yeelato, inay maqasho Mucaaradka, in la isku yimaado oo wadatashi degdeg ah la galo, ayaa loo baahan yahay, looma baahna faro isku fiiq iyo isku jajawaab, waxa loo baahan yahay in caqli la keeno, oo la tashado, si dhibaatooyinka ina hor taagan ee doorashooyinku ay ka mid yihiin, si midnimo ah looga bixi lahaa, waa in miyir la keena, waa in la dadaala, waa in la midooba, oo qadiyaddii dalka ee loo dhintay, loona baa’bay aynu ilaashanana, oo aynu noqonno dal xor ah oo la ictiraafsan yahay. Sida looga midho keeni lahaana waa in laga fikiraa, maaha inaynu guddaheenna isku mashquulno.

Dawladda waxa aan leeyahay xilku adiga ayuu ku saaran yahay, waxyaabaha imika socdaana, waxyaabo Wadankeenna qurux u ah maaha, waa wax sumcadeena dilaya, ha la joojiyo ficillada foolxumada keenaya ee dadka kala fogeeynaya” 

Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey xilkii Wasaaradda  Waxbarashada  ee uu Cabdicasiis Samaale iska casilay yidhi “Qofku isaga ayaa xaq u leh waxa uu diidayo iyo waxa uu doonayo, laakiin anigu aad iyo aad ayaan ninkaas u taageersanahay, inta uu joogayna aad iyo aad ayuu dakhliga u kordhiyey, kolay markii laga beddelay Wasaaradda Maaliyadda  ee loogu bedelay Wasaaradda Waxbarashada, sababta uu xilkaas u qaadan waayey waxa ay aniga ila tahay waa wax isaga u gaar ah”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee burburay, waxa uu yidhi “Shirkii wada hadalada ee Somaliland iyo Somaliya horeba waan u arkaayey inay burburayaan, waanu tashanaynaa, xaggee looga wareegi lahaa wada tashiga Q aran ayaa ay ka soo baxaysa haddii ALLE yidhaah”