Duullaankii Dalka Yemen Oo Sii Socda Iyo Wararkii U Dambeeyey

0
554

Picture6Sanca (Geeska)- Waxaa habeenkii saddexaad weli sii socday weerarka culus ee Isbahaysiga la baxay Taageerada Sharciyaddu ay ku hayeen dalka Yemen si ay uga hortagaan isballaadhinta Jabhadda Xuutiyiinta ee dalkaas.

Diyaaradaha dagaalka ee isbahaysigan Tobanka dal ka kooban oo uu hoggaaminayo dalka Sucuudigu ayaa xalay weerarro is-daba-joog ah ku qaaday saldhigyo milateri oo ay deegaanno ay bariga magaalada Sanca iyo deegaanno kale ku leeyihiin ciidamada Xuutiyiinta iyo xoogagga ay iskaashadaan ee taageera madaxweynihii xilka dalkaas laga riday ee Cali Cabdalla Saalax.

Dagaalkan oo ay dalalka Isbahaysigu u bixiyeen ‘Duufaantii go’aaminta’ ayaa sidoo kale isku ballaadhiyey deegaanno ku yaalla koonfurta dalka Yemen,  fadhiisinnada gantaaluhu ugu rakiban yihiin ciidamada Xuutiyiinta iyo weliba aagagga la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin masuuliyiinta sare ee Xuutiyiinta iyo Cali Cabdalla Saalax.

Dagaal fool-ka-fool ah oo u dhexeeya ciidamo kala taageersan madaxweyne Cabdirabbi Mansuur Haadi iyo Xuutiyiinta ay iskaashanayaan Cali Cabdalla Saalax ayaa iyaguna si kulul uga socda deegaanno kala duwan oo u badna dhinaca Koonfureed ee dalka Yemen oo ay Xuutyiintu damacsanaayeen in ay isku kala bixiyaan.

Hoos u dhaca Xuutiyiinta:

Wararkii u dambeeyey ee uu Geeska Afrika ka soo xigtay Aljazeera iyo Alcarabiya ayaa sheegaya in duullaanka diyaaradaha isbahaysiga kadib uu si aad ah hoos ugu dhacay xawaarihii ay ku socdeen ciidamada iskaashanaya ee Xuutiyiinta iyo Cali Cabdalla Saalax.  Waxaa kale oo sababaha ka mid ah, ciidamadii wax-iska-caabbinta waday ee qabaa’ilka iyo kuwa taageersan madaxweynaha oo weerarradan isbahaysigu u kordhiyeen niyadsamaan badan, isuna arkay in ay garab haystaan, taasina ku soo dhiirri gelisay ka qaybgalka dagaalka iyo adkaysiga oo markii hore aad ugu yaraa, iyo jidkii sahayda iyo xoojintu u soo maraysay Xuutiyiinta oo aad weerarrada isbahaysigu ay jareen.

Iran iyo Carabta:

Waxaa aad hoos ugu dhacday rajo ay qabeen Xuutiyiinta iyo dadka taageera oo ahayd suurtogalnimada in ay taageero ka helaan Iiraan oo Bilowgii hore taageero diblumaasiyadeed iyo mid milateri la garab istaagtay, laakiin waxaa hadda muuqda in taageeradaasi ku soo urutay dhinaca diblumaasiyadda iyo haddii ay suurtogasho dhaqaalaha, maadaama oo uu dagaalkii bilowday, isla markaana hawada Yemen la xidhay.

Madaxweynihii dalka:

Madaxweyne Cabdirabbi Mansuur Haadi ayaa jimcihii shalay gaadhay magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar si uu uga qaybgalo shir-madaxeedka Carabta, oo sabtida maanta halkaas ka furmaya.

Madaweyne Haadi ayaa isaga oo ay dusha ka ilaalinayaan sirdoonka Sucuudigu waxa uu Arbacadii ka baxay magaalada Cadan oo inta uu sii maray dalka Cummaan uu uga gudbay Sucuudiga, kadibna uga duulay magaalada Qaahira.

Taageerada duullaanka ‘Duufaanta go’aaminta’

Marka laga tago dalalka Tobanka ah ee sida tooska ah dagaalkan Sucuudigu hoggaaminayo uga qaybgalay waxaa iyaguna taageero u muujiyey dalalka dunida muslimka badankooda, sidoo kale dalalka reer galbeedka ayaa iyaguna u qaybsamay kuwo taageeray iyo kuwo aan canbaarayn. Maraykanka ayaa isagu war uu xalay soo saaray ku sheegay in uu weerarkaas taageersan yahay, dhinaca kalana waxa uu farriin dadban u diray dalka Iiran iyo Muslimka Shiicada ah oo laga cabsi qabo in ay wadaan qorshe ay kaga aargoosanaan Sucuudiga, waxa aanu Maraykanku sheegay in uu si toos ah uga qayb geli doono difaaca Sucuudiga haddii uu dhaco weerar ka dhan ahi.