Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Sannadeedkii U Dambaysay Muddo Xileedkiisa Maanta Jeedinaya

0
546

Picture7Hargeysa(Geeska):-Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta la filayaa in uu khudbad sanadeedkiisii dastuuriga ahayd si wada jir a ugu  jeedin doono labada aqal ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland.

Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo todobaadkii hore Golaha wakiilada u diray warqad uu ku dalbanayo in uu khubad sanadeedkiisa 2015ka uu jeedin doono maanta oo sabti ah, ayaa la filayaa in uu kaga hadli doono arrimo badan oo xasaasi ah, xaalada guud ee dalku maraayo, arrimaha doorashooyinka, siyaasada arrimaha dibada, mawqifkii ay Somaliland dhowaan ka qaadatay wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya, dhaliilaha uga yimaadda dhinaca mucaaradka iyo guud ahaan xaaladda dalka.

Waxaana ay xildhibaanada labada aqal baarlamaan ay illaa shalay isu sii diyaarinayeen sidii ay uga soo xaadiri lahaayeen fadhigaasi, in kasta oo la filayo in sidii horeba u dhici jirtay aan fursad loo siin doonin in ay madaweynaha su’aalo ka weydiiyaan hadalkiisa iyo guud ahaanba xaaladda dalka.

Ugu danbayntii khudbadan la filaayo in maanta uu madaxweyne Siilaanyo u jeediyo Baarlamaanka Somaliland, ayaa ku soo beegmaysaa wakhti uu dalku marayo xaalad aad u xasaasi ah, oo ay jiraan tabashooyin badan oo dhinacyada kala duwan ee bulshada ka imanaya iyo mucaaradka oo aad uga soo horjeeda muddo kordhinta, kuna baaqaya wadatashi iyo dawlad midnimo qaran.