Dagaalka Yemen Oo Hakiyey Duulimaaddadii Imaaraadka Iyo Khadka Cusub Ee La Filayo In La Maro

0
538

Picture5Hargeysa(Geeska):-Duulimaadyadii dhanka diyaaradaha ee ka iman jiray dalka Imaaraadka Carabta ayaa u xaniban dagaalka ka socda dalka Yamen awgeii.

Waxaa labadii cisho ee u dambeeyey dalka Imaaraadka Carabta ku xannibnaa duulimaadyada diyaaradaha ee soo qaadi lahaa dadkii ku soo socday Somaliland ee ka imanayey dalalka kala duwan ee dunida iyo kuwa dalkaas u sii mari jiray si ay uga raacaan diyaarado ay ugu sii gudbaan dunida. Arrintan oo timid kadib markii ay suurtogal noqon weyday in diyaaradahani ay soo maraan khadkii caadigga ahaa ee awal ay ku soo duuli jireen oo soo mari jiray hawada dalka Yemen.

Waxaa weli jira socda qorshayaal la doonayo in lagu beddelo khadkaas hore ee diyaaraduhu mari jireen, kaas oo ah in dib loogu noqdo dalka Baxrayn, kadibna Sucuudiga, Suudaan iyo dalka Itoobiya oo looga soo gudbi doono Somaliland. Khadkan cusub ayaa in ka badan laban laab kordhin doona saacadihii caadiga ahaa ee ay diyaaraduhu isaga safri jireen Imaaraadka iyo Somaliland, kaas oo hore u ahaa Saddex saac, balse imika gaadhi doona illaa lix saac, lamana oga muddada uu xaalku sidan ahaan doono iyo in khadkan cusubi uu wax ka beddeli doono qiimaha hadda lagu raaco diyaaradaha iyo sidoo kale in diyaaradaha Soomaalida ay caqabado kaga iman doonaan marista hawada dalalkan cusub ee hadda kadib ay u baydhayaan dhinacooda.