Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Md. Rayaale Oo Geeska Afrika Tacsi U Mariyey Geeridii Janaraal Cilmi Kabaal

0
575

Picture4Hargeysa (Geeska)- madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo haatan ku sugan dalak France, gaar ahaana magaalada Paris ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaan ehelkii uu ka baxay taliyihii hore ee ciidanka booliska Somaliland Marxuum Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal) oo todobaadkii hore ku geeriyooday dalka Talyaaniga.

Daahir Rayaale Kaahin oo wargeyska Geeska Afrika khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay ayaa ugu horayn tacsi u diray dadweynaha reer Somaliladn, waxaanu si gaar ah u tacsiyadeeyey ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Marxuum Cilmi Fure Kabaal. Md Rayaale waxa uu sidoo kale si gaar ah tacsi ugu diray bahda madax dhaqameedka oo uu marxuumku mudooyinkii ugu dambeeyey ka mid ahaa, waxaanu sheegay in marxuum Cilmi Fure Rooble lagu xasuusan doono dhismaha ciidamada booliska oo uu sheegay inuu kaalin muuqata ka soo qaatay. Alle ha naxariistee Marxuum Cilmi Fure Rooble ayuu Daahir Rayaael Kaahin ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi taariikh muuqata ku lahaa dalka Somaliland, isla markaana kaalin muuqda ka soo galay horumaradii kala duwaana ee ay boolisku sameeyeen.

Rabbi naxariistiisa jano haka waraabiyee marxuumka ayaa arbacdii oo ay taariikhdu ahayd 25 March 2015 ku geeriyooday dalka Talyaaniga