Qarax iyo Weerar Is Barkan Oo Shalay Ka Dhacay Muqdisho

0
613

Picture11Qarax loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa galabnimadii shalay ka dhacay dhabarka dambe ee Hudheelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa kadibna ay koox dad goobjoog ahaa tiradooda ku qiyaaseen saddex illaa afar nin oo si xoog ah u hubeysani gudaha u galeen hudheelka, waxaana bilaabatay rasaas gudaha iyo agagaarka hudheelka la isku weydaarsanayey muddo.

Qaraxan ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan, isla markaana khasaare xooggan u geystay dhismaha hudheelka iyo kuwa ku dhow. Inta illaa saacadihii dambe ee xalay la ogaana waxa hudheelka gudihiisa ay dablayda hubaysan ee Alshabaab ku dileen 10 ruux oo wararka qar sheegayaan in uu ku jiro Cabdiraxmaan Badhi-badhi oo ah diblumaasi hore safiir u ahaan jiray oo ka tirsanaa dowladda Muqdisho.

Ugu danbayntiina saacado kadib ayaa ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku guulaysteen in ay gudaha u galaan hudheelka soona afjaraan weerarkaas khasaaraha badan geystay.

Saraakiisha hoggaaminayey hawlgalka ayaa shaaciyay inay ciidmadu soo badbaadiyeen dad isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya, ganacsato iyo siyaasiyiin hoteelka ku jiray markii ay kooxaha hubeysani qabsanayeen.

Dhanka kale, ciidanka gudaha u galay hudheelka ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen dhammaan raggii weerarka geystay, iyaga oo intaas ku daray in ay dib ka soo sheegi doonaan khasaaraha guud ee weerarkan.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka hoteelka; balse ma aysan sheegin tirada xubnaheeda weerarka qaaday, iyo khasaaraha rasmiga ah ee iyaga iyo dhinaca kale soo gaadhin.