Gabadhii Ugu Horreysay Dunida Ee Uu Kansarka Naasku Ku Dhacaa Waxa Ay Ahayd Faraacinadii Masar

0
675

Picture2Qaahira (Geeska)- Wasaaradda Aatarta ee dalka masar ayaa shaaca ka qaadday in haweenaydii dunida ugu horreysay ee uu ku dhaco cudurka Kansarka noociisa naasku ay ahayd gabadh ka mid ahayd Faraacinadii Masar oo uu cudurkani haleelay muddo hadda laga joogo 4200 oo sano ka hor.

Guddoomiyaha Waaxda Aataarta dalka Masar, Yuusuf Khaliifa oo la hadlay shabakadda Al-Carabiya oo warkan uu Geeska Afrika ka soo xigtay ayaa sheegay in koox khubaro ah oo ka socda jaamacadda Khyan ee dalka Spain ay baadhitaan cilmiya kadib daahfureen in ruuxii inta la ogyahay ugu horreeyey ee cudurkani ku dhacaa uu ahaa gabadhan.

Khubaradan oo cilmibaadhis ka wada qubuuro taariikhi ah oo ku yaalla magaalada Aswaan ee koonfurta dalka Masar, waxa ay sheegeen in lafaha qolfoofka haweenaydan laga helay calaamado aanu muran geli karin oo shaki la’aan ka dhigaya in gabadhaasi ay qabtay cudurkan Kansarka oo weliba uu muddo dheer hayey, aakhirkiina u dhimatay.

Dr. Axmed Saalax oo ah agaasimaha xafiiska Aataarta ee gobolka Nubia ayaa Alcarabiya u sheegay in khubarada ka socota jaamacaddan Khyan ay tan iyo sannadkii 2008da baadhiso cilmi ka wadeen dhulka loo yaqaanno xabaalihii Amiirrada, iyaga oo si gaar ah shaqadooda xoogga ugu saaraya in ay wax ka ogaadaan noloshii iyo qaab nololeedkii Faraacinnadii reer Masar ee waqtigaas jiray, gaar ahaan kuwii boqortooyada hoggaaminayey ee u dhexeeyey jiilkii 6aad illaa 12aad.

Agaasime Axmed oo sharraxayey qaabka loo ogaaday in haweenaydan uu cudurka Kansarku ku dhacay, ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Khubaradu waxa ay heleen saambal ka mid ah boogo ku yaallay qolfoofkan, kadib inta ay qaadeen ayaa si ay u ogaadaan sababta boogahan waxa ay ku soo baadheen shaybaadho takhasus ah oo dalka Masar dibaddiisa ah. Waxa aana u soo baxay natiijadan xaqiijinaysa in gabadhani ay ahayd qofkii ugu horreeyey inta taariikhda la og yahay ee uu ku dhacay kansarka naasku”

Arrinta kale ee xiisaha leh ee baadhitaankan lagu ogaaday ayaa ah in Faraacinadii ay isku dayeen in ay dawo u helaan cudurkan khatarta badan ee illaa maanta aan dawada rasmiga ah loo hayn, sida arrintan lagu ogaaday isaga oo ka hadlayana waxa uu agaasimuhu yidhi, “Dawooyin lala aasay gabadhan, oo qolfoofkeeda dhinaciisa laga helay ayaa xaqiijinaya in Masaaridii hore ay isku dayeen in cudurkan ay dawo u helaan”

Dhinaca kalana waxa uu agaasimuhu sheegay in xaqiiqooyinka taariikhda ku cad ay ka mid tahay in waqtiyadii hore marar ka mid ah ay jireen cudurro si weyn ugu dhex faafay Faraacinadii, waxaana cudurradaas inta illaa hadda laga ogaaday ka mid ah, xididdada dhiigga oo xidhma, xanuunka Kaadi-dhiigga, Dhiig Karka iyo cudurro kale.