Khataraha Caafimaad Ee Sigaarka Waxaa Ka Mid Ah In Qofku U Nuglaado Asaasaqa

0
590

Picture9Amsterdam (Geeska)- Daraasad caafimaad ayaa daahfurtay in dadka sigaarka nuugaa ay aad ugu nugul yihiin cudurka maskaxda wax yeelleeya ee ay Soomaalidu asaasaqa u taqaanno. Cilmi baadhistan oo ay sameeyeen koox cilmi baadhayaal ah oo uu hormuud u ahaa Dr. Munich Preitler oo ka tirsan Xarunta Caafimaadka ee Airsmooth oo ku taalla dalka Holland. Waxa ay caddaysay in xanuunkani ku badan yahay dadka sigaarka nuuga, marka la barbar dhigo kuwa aan iyagu nuugin ama muddo ka hor iska joojiyey.

Waxa kale oo daraasaddan lagu ogaaday In dadka da’doodu ay ka weyn tahay 25 Sano ee sigaarka nuugaa ay halista ah in uu ku dhaco asaasaqa iyo khalkhalka maskaxda ee da’du ay keento, boqolkiiba 50 uga dhow yihiin dadka aan nuugin.

Kooxdan khubarada ah ee daraasaddan samaysay waxa ay ku sheegeen Warbixin uu faafiyey wargeys ka hadla arrimaha caafimaadka oo la yidhaahdo, Caafimaadka Neerfayaasha, in ay muddo 7 sano ah tijaabooyin cilmiya oo arrintan la xidhiidha ku samaynayeen dad tiradoodu dhan tahay 7 kun oo da’doodu tahay 55 sano iyo ka weyn, waxa aanay xaqiijiyeen, intii uu socday Baadhitaanka dadkan in 706 ka mid ah uu ku dhacay asaasaqa ay da’du keento.

Waxa ay cilmibaadhayaashani sheegeen in uu jiro Hidde-side, caan ah oo siyaadiya khalkhalka da’du keento ee ku dhaca maskaxda, hidde-sidahan oo la yidhaahdo, IPOE-4 dadka aan lahayn ee sigaarka cabbaa 70 Boqolkiiba wey ka sii halis badan yihiin kuwo leh Hidde sidahan. Dr. Preitlar oo arrintan sii faahfaahinayey ayaa yidhi, “Waxa dhici karta in sigaar cabistu ay keento dhiig furan maskaxda ah oo si aad u yar oo aan hore loo dareemayn u socda, taas oo iyana keenta in ay hawl gabto ama burburto maskaxdu.