Abaal Hooyo Yaa Guda?: Qiso Qiiro Badan Oo Ina Tusaysa Kalgacalka Hooyadu Ay Ilmaheeda U Hayso

0
748

Riyaad (Geeska)- Nin kadhi,  mid ahaa dadka ka shaqeeya dab demiska ayaa ka sheekeeyey qisadan yaabka badan ee ina tusaysa inta uu gaadhsiisan yahay kalgacalka ay hooyadu u hayso ubadkeeda:

“Waxa aanu gurmad ugu nimi guri gubtay, Gurigan waxa ku noolaa hooyo leh, saddex carruur ah, dabkani waxa uu ka bilaabmay mid ka mid ah albaabada guriga, markii ay isku dayday in ay ka baxdo kadinkana waxa ay ogaatay in uu ku qufulan yahay. inkasta oo ay si kasta isug dayday in ay la baxsato carruurteeda iyo nafteeda haddana uma ay suurto gelin. Qiiqii ayaa buuxiyey gurigii waxaana adkaaday neefsigii. Markii ay aragtay in aanay jirin meel suurto gal ah oo loo baxo, inta ay carruurtii saddexda ahayd dhulka jiifisay ayaa ay dushooda ku soo foorarsatay iyada oo sida go’a isu huwinaysay. Dhammaantood waxa ay gelisay laabteeda iyada oo ku dadaalaysa in ay qiiqaas ka ilaaliso carruurta si aanay u neef qabatoobin. Iyadu dan kama ay lahayn qiiqa ay neefsanayso, markii goor dambe ay u suurto gashay kooxihii dab demiska in ay bakhtiiyaan dabkan waxa ay gudihii guriga ugu yimaaddeen hooyadan oo caloosha u jiifta maydna ah, markii kor loo qaaday waxa la arkay saddexdii carruur ahaa oo ku hoos jira oo qudhoodu mayd ah, waxa aad mooday sidii digaagad ku fadhida beed. Ayaa uu yidhi ninkan goob joogaha ahaa, isaga oo ka sii waramaya arrimaha kale ee ay gurigan kala kulmeenna waxa uu ku si idaray, “Hooyadan faraheedii ayaa laga helay iyaga oo ku hadhay oo ku dheggen handaraabka albaabka, waxaana caddaatay in ay kolna u cararaysay dhanka albaabka si ay u furto marka ay u suurto geli weydo kulayl dartiina ay faraheeda badh ku hadhaan birta handaraabka ee dhimbiisha noqotayna ay haddan dib u soo cararaysay si ay ololka uga ilaaliso carruurteeda isuguna daboosho”