Talooyin Kaa Caawinaya In Adiga Oo Gaadhiga Wata Aad Dhowrto Shidaalka Kugu Jira (Q:1aad)

0
712

Hargeysa (Geeska)- Dadka baabuurta wataa meel kasta oo ay joogaan waxa ugu badan ee ay ka cawdaan waa shidaalka oo ku badan, haddaba marka laga yimaaddo in baabuurtu ay sidooda u kala shidaal cabbis badan tahay, mishiinka saaran oo kala duwan awgeed, waxaa jira arrimo kale oo iyaguna kaalin weyn ka qaata in uu gaadhigu shidaal badan isticmaalo, waxaa ka mid ah da’da gaadhiga, beddelka saliidaha, balaagyada  iwm.

Marka intaas oo dhan laga yimaaddo waxaa iyaguna jira qaladaad ka dhaca qofka gaadhiga isticmaalaya ama gaabis dhinaciisa ah oo sababa in gaadhigu uu shidaal badan isticmaalo. Qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo turjumay mid ka mid ah shabakadaha carabta ayaa si fiican u soo bandhigaysa qaar ka mid ah qaladaadkeenna keena in gaadhigu uu shidaal badan innaga isticmaalo iyo talooyin muhiim ah oo innaga caawinaya in aynu shidaalka tashiilanno. Waxa aanay kala yihiin:

1. Culayska: Mar kasta waxa aad hubisaa in culayska saaran gaadhigaagu aanu badnayn. Waxaa xaqiiqo ah in alaabta, dadka iyo guud ahaan culays kasta oo gaadhiga saarani uu qayb weyn ka qaato isticmaalka shidaalka ee gaadhiga, sidaa awgeed ku dadaal in mar kasta uu gaadhigaagu fududaado, wixii aan muhim ahayn, culaysna ku keenayana aad ka dejiso.

2. Xawaare munaasab ah: Gaadhiga oo mar kasta socod gaaban ku jira, ama dhaqaaq joogsi lagu wadaa waxa ay culays saartaa mishiinka oo u baahda in laawar badan la siiyo, waxa aanay ka mid tahay sababaha keena in gaadhigu shidaalka aad u cabbo. Xawaaraha gaaban ee gaadhigu waxa kale oo uu keenaa in isbiidhku ku raago, taasina waxa ay sii badisaa culayska fuulaya mishiinka. Talada ugu fiicani waa in intii suurtogal ah gaadhiga lagu wado xawaare munaasab ah oo dabcan darawal kastaa dareemi karo in uu gaadhigu si fudud u socdo.

3. Isticmaalka badan ee joojiyaha (Biriigga): Isticmaalka badan ee bireeggu waxa uu keenayaa khalkhal dhinaca xawaaraha gaadhiga ah, sidaa awgeed mishiinka gaadhigu waxa isticmaalayaa shidaal inta caadiga ah ka badan, mar kasta oo inta la istaago haddana la dhaqaaqayana shidaalka gaadhigu isticmaalayaa waa uu kordhaa, si ka duwan marka uu xawaare siman ku socdo gaadhigu. Talada ugu fiicani waa in darawalku uu si xikmadaysan oo xirfadi ku dheehantay u isticmaalo bireegga gaadhigiisa. La soco…