Xil. Cabdiqaadir Tukaale Oo Ku Dooday In Isku Shaandhayntii Md. Siilaanyo Aanay Ka Jawaabin Tabashadii Awdal, Wasiirrada Ay Doonayeenna Ay Ahaayeen Kuwa Darajada Kowaad

0
534

Picture8Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay isku shaandhayntii madaxweyne Siilaanyo uu dhawaan ku sameeyey xukuumadiisa, waxaana uu carabka ku dhuftay in isku-shaandhayntaasi aanay waxba ka tarin tabashadii dhawr bilood ka hor ay madax-dhaqameedka ka soo jeeda gobalada galbeedka Somaliland u soo gudbiyeen madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, isaga oo sida oo kalena tilmaamay in qaar ka mid ah wasiirada la magaacbay ee ka soo jeeda deegaanada galbeedku aanay ahayn kuwo lagu magacaabay ka jawaab celinta tabashadii reer Awdal, balse uu nasiibkoodu meesha keenay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ku dooday in xilka wasaaradda waxbarashada ee loo dhiibay Pro.Geedoole aanu ahayn xil loo gartay oo wax lagaga qabanayey tabashadii reer Awdal, balse uu yahay kii Samaale oo uu nasiibkiisa ku helay.

"Horta dee dadku waxay yidhaahdaan madaxweynahu isku-shaandhayn wayn ayaa uu sameeyey, maaha isku-shaandhayn weyn ee waxa weeye dee dhawr wasiir ayuunba la bedalay, macnaha dee wasiirkii warshadaha oo isagu is casilay uun mooyaane, waxaa la bedalay uun wasiir Samaale oo adigu dee ma badna wasiirada meesha la bedalay isla markaana tabashadii reer Awdal, illaa iyo imika wax uu ka qabtay oo meesha ka muuqda ma jirto, waxa weeye dee tabashada, in wasiirada A-da ah (Darajada Koowaad) (Reer Awdal lagu daro) tabashada waxbaa kaga jiray, xabadna la’gagama darin oo dee taa uu Samaale ka cararay ayaa ninkii beerahana la keenay uun dee, tuu Samaale iska nacaydee, kaasi dee  isagu ma’aha mid loogu talo galay in lagu daboolo tabashadii ay reer Awdal keensadeen, markaas wasaaradaas waxbarashada oo imika wasiir Faarax la keenay, dee loogu talo galay reer Awdal may ahayn, waxay uun iska ahayd tu Alleh uun la damcay in ay reer Awdal soo galaan, waxa weeyaan tabashadii habayaraatee wali sidiiba looga sugayaa madaxweyne Siilaanyo. Wax uu ka qabtay iyo wax uu ka hadal hayaa waliba ma jirto, in uu waliba wax ka qaban doonana waliba lama filaayo, waana looga fadhiyaa mase ogaba."Ayuu yidhi Xill.Cabdiqaadir Jibriil Tukaale.

Xildhibaan Cabdiqaari Jibriil Tukaale, waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay arragtidiisa ku aadan qaar ka mid ah falaagadii Suldaan Waber oo isa soo dhiibay, waxaana uu sheegay in uu aad u soo dhowaynaayo sida oo kalena ay ahayd arrin ay in muddo ah ay ka shaqaynaayeen sidii ay dadkaasi ugu soo noqon lahaayeen dalkooda hooyo.

"Barnaamijkan horta meesha ka socday ee Suldaan Waber iyo inta la socota, wax ay reer Awdal isku ogaayeen maaha, wax ka baxsan ayey ahayd oo in yar wadato, xukuumadana ay qayb kaga jirto,  waxaa jirtay maalmihii ugu horeysay in reer Awdal oo dhami ay nidaam cusub oo soo socda ay u arkayeen, taas dhalinyarada oo kale marka aad la hadasho waxay ku odhanayeen dawlada Waber ayaanu galaynaa ayey lahaayeen, waxyaabahaas waxa keenay waxa weeyaan dawladan musuqmaasuqa ah ee meesha fadhida ee Siilaanyo hogaamiyo, ayaa sababteeda lahayd, waayo haddii ay reer Awdal dhalinyarteeda Jaamacadaha ka soo baxay ay imtixaan galaan, iyaga iyo jaamacadaha Awdal ka jira Somaliland oo dhan ayaa ku jirta, ardaydaasi markay imtixaan Hargeysa ku gasho takoor ayaa ay kala kulmi jireen, waxaa la garanayaa dhalinyaro beri dhexdaas ah wada gashay saddex sanadood horteed, inantii boqolkiia 75 lahayd waa laga tegey, inankii boqolkiiba 45 ahaana waa la qaatay, bal eeg miyaanay caddaalad darro ahayn, deedna iyagiina in ay indhaha annaga faraha naga galiyaan oo ay yidhaahdaan annagu Waber ayaanu raacaynaa ayaa ay noqotay, haddana waxaa kale oo jirtay boqolaal Sarkaal oo ahaa saraakiishii khibarada lahaa ah oo xataa Hargeysa laftigeeda ku noolaa ee u dhashay in ay inbadan gidaarada joogto, darajo ayaanu qaybinaynaa ayaa ay nimankani yidhaahdaan, waxay ahayd darrajo bilaa xeer ah oo bilaa nidaam ah oo in la rabay uun loo dhiibay maantana khilaafka ugu badani halka uu ka jiro weeyaan, arrintaasina iyaduna waxaa ay nagu keeni gaadhay in ay kacaan (Reer Awdal).

Waxaa aanu arrintan (Soo noqoshada ragga raacay Wabar) ku keenay furfurid iyo dedaal aanu habeen iyo maalinba u soo jeednay. Annaga ayaa wax raadinaynee noo kaadiya ayaanu ku nidhi bal horta, arrimahaas oo dhan oo isbiir biirsaday ayey hadaba arrintan Waber ku soo baxday waanu se ka gurmanay oo waxaanu nidhi dawladan musuqmaasuga ah ee Siilaanyo ka taliyaa dalka waa ay ka tegi doontaayee, wax dalka looga cararo maaha loona, baa'biiyo maaha, adigu arrintii Illaahay mahaddii wax badan ayaanu ka qabanay.”Ayuu yidhi Xill.Cabdiqaadir Jibriil Tukaale.

Ugu danbayntii Xill. Cabdiqaadir Tukaale oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Midhadhkii ugu horeeyey ee raacayna waa kuwan hada soo noqday in badan oo ka mid ah xidhiidho waanu la samaynay adigu inta kalena waa ay soo xeroon doonta, laakiin mushkilada ugu badani waxa weeyaan dawlada oo wax Allaale iyo wax dhacaayaba aan la socon. Waxa weeyaan dee madaxweyne dalka meeshii ay wax ka soo yara huraanba daboola ayaa la arki jiree, kolay mushkilad wayn oo qaranka Somaliland ba ku dhacday weeye, oo dee hogaankan dalka maanta haystaa halka uu la maraayo waa la arkayaa, laakiin dadweynaha reer  Somaliland iyo dalkani waa iska nasiib badan yihiin oo xaga Alleh ayaa laga wataa oo ay ku socdaan oo ay ku badbaadayaan.".