Dadweynaha Xaafadda Daami Oo Mudaharaad Isugu Soo Baxay Iyo Suldaan Daakir Oo Geeska Afrika Uga Waramay Sababta Iyo Arrimo Kale

0
767

Picture5Hargeysa (Geeska)- Dadweynaha ku dhaqan xaafada Daami ee magaalada Hargeysa ayaa shalay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye ka dhigay wadooyinka xafaadaas.

Mudaharaadkan oo ay ka dhex muuqdeen salaadiinta iyo waxgaradka beelaha dega xaafada Daami ayey ku cabireen dareenkooda la xidhiidha hankooda siyaasi iyo halka ay awood ahaan isugu biyo shuban doonaan.

Dadweynaha mudahraadka dhigay ayaa ku dhawaaqay eryo ay ka mid ahaayeen “Siilaanyo dooni mayno, Siilaanyo dooni mayno..guusha yaa leh Waddani ayaa leh”

Wargeyska Geeska Afrika ayaa mudaharaadka kadib la xidhiidhay suldaanka guud ee beelaha gabooye Suldaan Daakir Xasan Khaliif, waxaanu wax ka weydiinay mudaharaadka ay xukuumada ku diidan yahay waxa keenay “Waxay ahayd xaalad ugub ah oo ay la yaabeen dadweynaha Gabooye ee ku dhaqan xaafada daami.Waxa dhacday in Xukuumadda hadda taladda haysa iyo xisbiga Kulmiye in runtii arrin aad iyo aad aanu ula yaabnay ay sameeyeen oo ah in mujtamac iyo dad aan u dhalan beelaha gabooye inay suuqyada, dawladda hoose, Sheekh Madar iyo Stadium-ka intay ka uruuriso la yidhi waa Gabooye taas oo ujeedadu tahay madaama beelihii gabooye ama siyaasiyiintoodii, salaadiintoodii iyo wax-garadkoodii ay is raaceen kuna biireen Xisbiga Waddan”

Sudlaan Daakir oo waanu weydiinay in bilawgii xukuumada Kulmiye ay si wanaagsan u soo wada shaqeeyaan waxa xiligan keenay in ay sidaas ay u kala fogaadaan “Xukuumadda taladda dalka haysana haddii ay wax u tarayso hore ayey wax ugu tari lahayd. waanu la soo shaqaynay, waanu la soo ololaynay, waanu la soo dadaalnay, anaga oo doonayna in aanu ka muuqano masabyada sare ee dawladda uu noo balanqaday uu nagaga baxay, waxa uu noo magacaabay la taliyaha la hayb-sooco,

Xukuumadda uu taladiisa hayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), iyo masabka uu noo magacaabay waxay noqodeen waxa is waafaqay, waanu nagu hayb-soocay taladda uu sameeyey.

Suldaan Daakir oo aanu wax ka weydiinay halkay wax ka qaldameen ayaa noo sheegay in xukuumada Siilaanyo guud ahaan ay kaga baxday qodobo ay hore ugu heshiiyeen “Madaxweynaha waanu aragnay, waana la kulanay, odayaal fara badan oo beesha ahi wey la kulmeen, La taliyaha oo la shaqayn jiray toban jeer ayuu u gudbayiyey cabasho beesha ah, wax alaale waxa uu ka qaatay ma jirto, haddii uu ka qaban lahaaba  waxa aan filayaa taladdu Madaxweynaha oo qudha kama go’dee niman kale ayey ka go’daa. Kulmiye waxa uu noogu balanqaaday lix qodob, haddii aan qaar ka xuso waxa uu noogu balanqaaday haddii uu taladda dalka ku guulaysto, mansabka ugu sareeya ee dawladda, uu naga baxay oo la taliyaha la hayb-sooco ayuu noo magacaabay, waxa uu noo balan-qaaday inuu tirtiri doono takoorka, cadaadiska, quudhsiga, inuu wax tirtiro iska daaye waxa uu noo bixiyey magaca cusub ee ah Haybsooc. waxa uu noo balanqaaday in bulshada  aanu ka soo jeedno waxyaabaha ay farsamo yaqaanka ku yihiin inuu kobcin doono, inuu dhaqaale siin doono oo uu shirkado u sameeyn doono, si ay umadda u soo gaadhaan, inuu u sameeyo iska daaye uu na curiyaamiyey”