Xisbiga UCID Oo W. Hawlaha Guud Ku Eedeeyey In Qorshaha Tijaabada Gaadiidka Ay Cid Ku Naasnuujinayso

0
630

Picture4Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka UCID, ayaa Xukuumadda dhaliilo iyo eedo u soo jeediyey, waxaanay sheegeen in wax aad loola yaabo tahay in Baabuurta Dekada Berbera ka soo degaysa in la saaro lacag, aan sharci ahayn, iyaga oo ku dooday in aanay dadku qaadi karaynin Lacagtaas, kuna tilmaamay lacagtaas ay wasaaradda hawlaha guud soo rogtay in ay tahay mid dad gaar ahi wataan, isla markaana Soomaaliya iyo Muqdisho lagu soo dayey, balse laga soo diiday.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Keyse Cabdillaahi   oo shalay Shir jaraa’iid wada jir ugu qabtay Xafiiska guud ee Xisbigooda, ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen inay Xukuumadda doonayso inay muddo kordhin sameeysto.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Axmed Cali oo isagu ugu horeyn shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa hadalkiisi ku bilaabay   “Waxa aanu Shirkan jaraa’id u qabanay arin taabanaya Dhaqaalaha dalka iyo Bulshada, oo Maalmahanba ka jiray Dekada Berbera, oo Wasaaradda Hawlaha Guud ay ku soo dejisay Lacag sharci daro ah oo xad gudub ah, dadka iyo Siyaasiyiintuba ka hadleen, inta aanan ka hadal, waxa aanu isku daynay in aanu hubsano, waanu hubsanay, waanu daba galnay, waxa aanu soo ogaanay halka uu arinkani ka soo bilaabmay ee uu gunta ku hayo, waxa uu arinkani ka soo bilaabmay Somaliya, oo Puntland ayuu soo maray, oo labada dekadood ee Xamar iyo Bosaaso ku yaala lagu soo tijaabiyey, iyada oo aan la weydiin waxa reer Somaliland la weydiinayo, 30-dollar ayaa lagu tijaabiyey, laakiin dadkaas Shacabka ahi markii ay jawaab ka bixiyeen Maamulada halkaas ka jira dadkoodii ayaa ay u tudheen, waxana waa wax dibada laga soo abaabulay oo dad gaar ah oo Shacab ahi wataan, iyaga oo soo dhexmaray Wasaaradda Hawlaha guud iyo Xukuumadda Kulmiye guud ahaan, iyada oo la saaray lacag tacadiya oo fara badan, oo qeyrul sharciya dadkuna qaadi karaynin, oo walibana cabashadii dadka cid tixgelisay aanay jirin.

Mashruucan  waxa lagu sheega PPP, oo waa wax Dunida laga yaqaano, oo ah wax cayiman, waxa inta badan iskaashada Xukuumadda iyo Shirkadaha, oo 51% Xukuumadda ayaa qaadata, halka Shirkadaha gaarka ahina ay qaataan 49% si ay Xukuumaddu wax u ilaaliso, balse waxa aynu ka warqabnaa in Warshada Koronta ee Hargeysa ay Shirkadi qaadatay 35%, halka Shirkad kelana ay qaadatay intaas in leeg, Nin Muwaadin ahina uu qaatay 15%, halka ay Xukuumaddiina ka qaadatay 15%, taas oo aynu arkayno doorka ay ku leedahay, inuu aad u yar yahay, Waxay Ahayd In La Baadho Cuntada Iyo Dawada Soo Gelaysa Dalka Halka Ay Leeyihiin Baabuurta Ayaanu Baadhaynaa”.

Dhanka kale waxa uu Xoghayaha Arrimaha Bulshadu uu dhaliil u soo jeediyey Wasiirka Hawlaha Guud oo uu tilmaamay inuu iska indho tirayo xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta, waxaanu xusay in wax aad loolo yaabo inay tahay in Xukuumaddu adeegsato dad iyagu Macdaro haysta, halka inta badan dadka Macdarada haysta, Gaadiidlayada iyo dadweynaha reer Somaliland aanay raali ka ahayn, arintan.

Dhinaca kale Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdillaahi oo isna Shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay Xukuumaddani muddadii ay xilka haysay waxyaabo badan ku fashilantay, kalsoonidii dadkana ay lumisay, waxaanu tilmaamay in waxyaabo badan oo ay doonayso inay muddo kordhin ku abaabusho inay ka fashilmeen, isaga oo tusaale u soo qaaday qalalaasihii Tiyaatarka, Xaaladii ka taagnayd Gobolka Awdal, Dagaaladii kala duwanaa ee ka dhacay meelo badan oo ka tirsan Gobolada Barri ee Somaliland,

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdillaahi ayaa sidoo kale xusay inay Xukuumaddo marara badan isku daynay inay iyadu lafteedu soo abaabusho Mudahaaradyo ay dalka khal-khal ku gelinayso, waxaanu sheegay in Maalinta Sabtida oo Madaxweynaha laga filayo inuu Golaha Barlamaanka hor yimaado inuu waxyaabo badan oo Xukuumaddiisa dhaliil ku ah kana gaabisay uu halkaas ka sheegi doono.

Dhanka kale waxa uu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in muddo xileedkaas Xukuumadda u hashay inay iska dulqataan, isaga oo sheegay inay kaga dhambeeyn doonaan go’aankii ay ka gaadheen jiritaanka Xukuumadda marka la gaadho muddo xileedkeeda oo ku eeg 26-june.