Gud. Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dib U Dhaca Doorashada, Ereyo Siyaasi Ahna Ugu Duur Xulay Cirro Iyo Faysal

0
658

Picture2Hargaysa(Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga taladda dalka haya ee kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu sheegay wakhtigii ay Mucaaradka ahaayeen markii Doorashada lagaga guulaystay 2003-dii, in Guddoomiyayaasha Labada Xisbi Qaran ee Waddani iyo UCID Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ay ku qasbeen inay tanaasulaan, oo aanay waxba sameeynin, waxaanu sidoo kale sheegay inay dalkan marxalado iyo dhibaatooyin kala duwan uu soo maray.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale ka hadlay dib u dhaca Doorashada iyo muddo kordhinta, isaga oo sababta dib u dhaca Doorashada si dadban ugu tiiriyey Guddoomiyaha Golaha Wakiiilada Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi,  “Dhibaatada Dalku wuu Soo Wada maraa aduunku 50 Sano dabadii ismuu lahayn Maraykan nin madaw ayaa madaxwayne ka noqon,waxaanan u malaynayaa 30 sanno dabadeed in beesha Gabooye dalkan Madaxwayne ka noqon doonto,yaynaa Niyada Jabin Dhibaatada waa lasoo wada Maray,waxaana lagaga baxayaa qalbi adayg calool adayg iyo higsi fog Ayaa lagu gaadhayaa.

Muuse Biixi Cabdi isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Rag badan ayaa jira oo marna ka xaragooda Gabooye marna damiin ka noqda Cisman Buuri oo kaadhka dhalashada lagu siiyay Gabooye ayaanu nahay Cisman Buurina damiin ka noqday.

Muuse Bixii ayaa mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta waxa uu yidhi. “Hal qodob Somaliland markhaati ha ka ahaato, Saddex jeer oo la kordhiyay iyo markaas Xisbiga Kulmiye la reebay ee lagu yidhi 82ka cod ayaad ku hadhay rag raggii dhuuxa ku xidhay ee yidhi ma hadli kartaan oo Qaranka Somaliland ayaa ka wayn waxa ay ahayeen labada Guddoomiye ee hada Mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, Mucaarid ayaanu wada ahayn markasta oo ay dhirbaaxo nagu dhacdo oo hadla labadooduba Garba Duub ayay noo xidhayeen”

Muuse Biixi Cabdi isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Waa dhab Qaranka ayaa la isku qabtaa qoyska ayaa la isku qabtaa, lakiin waa inaad yeelataa cid ku qabata, markaad cadhaysan tahay ee wax lagaa dhaco waa inaad Qabsoontaa, lakiin nasiib wanaag nimankii geedka nagu xidhay ee qaranka ayaa waxan ka weyn ee geedka nagu xidhay, Su’aal ayaan waydiinayaa Labada Guddoomiye, ‘Waar wixii aad shalay lahaydeen waad dul qaadanaysaan, qaranimadii Maanta Miyaad ilawdeen.

Muuse Biixi mar uu ka hadlaayey Doorashada waxa uu yidhi“Maanta waxaanu leenahay haday wax khaldamaan oo ay hawli timaado khaladka Cida Leh waa La garnaqsan doonaa, Doorashadan Daah-dayna ma kulmiye ayaa reebay oo dib u dhigay iyo Dawladiisa mise Waddani iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada bal kaayaga eedu raacdo Fagaare ayaa la iman Oo Somaliland ayaa ka rrimine taasi hadan baysee waxan ay hadda ku hadlayaan Nimankani maanay ahayn Cabdiraxmaan Iyo Faysal Cali Waraabe waxaan leeyahay halkii taagnaada oo waji kale ha yeelanin”.