Masuuliyiin Turki Ah Oo USA U Tegey In Ay Saaxiibtinimo La Sameeyan Soomaalida Maraykanka

0
569

Picture1Hargeysa (Geeska)- Masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga ayaa toddobaadkan booqasho ku tegey magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka si ay kulamo iyo xidhiidho ula soo sameeyaan Soomaalida Maraykanka ah. Cabdi Warsame oo ah xildhibaan Soomaali ah oo ka tirsan golaha deegaanka ee Minneapolis ayaa lahaa soo dhoweynta iyo isku dubaridka hawlaha ay u socdaan waftiga Turkiga ah oo uu hoggaaminayo Metin Kulunk oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalkaas.

Kulankan oo waftiga Turkiga ahi ku tilmaameen in uu yahay mid lagu xoojinayo xidhiidhka dalkooda iyo Soomaalida Maraykanka ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa xildhibaan Kulun qudhiisa oo aad uga hadlay xidhiidhka ka dhexeeya dalkiisa iyo Soomaaliya oo uu sheegay in ay tahay dalka ay dadka Turkigu maanta ugu aqoonta badan yihiin. Xildhibaankani waxa uu si gaar ah u ammaanay madaxweynaha dalkiisa oo uu sheegay in uu labada dhinac ka dhex dhisay biriish walaalnimo iyo isfaham labada bulsho dhex mara.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Minn Post oo xarunteedu tahay gobolka Minnesota ayaa sheegaya in waftigan Turkiga ahi intii ay joogeen gobolkan oo ah ka ay Soomaalidu ugu badan tahay dalka Maraykanka ay la kulamo kala duwan la yeesheen qaybaha bulshada Soomaalida ah, booqashana ku tageen xarumaha maamulka iyo jaaliyadda Soomaalida ee gobolka. Dalka Turkiga ayaa sannadihii ugu dambeeyey ku jiray dadaal uu doonayo in uu saamayn adag oo diblumaasiyadeed ku yeesho Soomaaliya, waxa aanu si aad ah maalgashi ugu sameeyaa magaalada Muqdisho oo uu dib u dhis ballaadhan ka wado jidadka iyo xarumaha dawladda ee dagaalladii muddada dheer socday ku burburay, sidoo kale madaxweynaha dalka Turkiga ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Soomaaliya si rasmi ah u booqda rubuc qarnigii ugu dambeeyey, isaga oo laba jeer oo kala duwan ku noqday.

Turkigu waxa uu wadaa dadaallo uu ku dhiirri gelinayo in ganacsatada iyo dadka dhaqaalaha haysta ee Soomaalidu ay dalkiisa maalgashadaan, isla markaana booqasho ku tagaan si iskaashi dhaqaale u dhex maro labada dhinac, waxa aanay u muuqataa in booqashadan hadda ee Minneapolis ay arrintaas la xidhiidho. Sidoo kale Turkiga waxa Soomaaliya ka jooga shirkado ganacsi, macallimiin, haayado samofal iyo baayacmushtar booqashooyin gaaban ku yimaadda.