Maxkamadda Ciidamada Oo Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Askarigii Dilay Ganacsade Gacmadheere (AHUN)

0
607

kkHargeysa(Geeska)- Askarigii dhawaan dilay Alleh ha u nariistee marxuum ganacsade Xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmo-dheere), ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somaliland ay ku xukuntay dil toogasho ah, waxaana ay sida oo kale ay muddo 10 sanno oo xadhig ah ay isagana ku riday Maxamed Axmed Ismaaciil oo sida ay maxkamadu sheegtay askariga marxuumka dilay warbixin khalad ah  siiyey.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somaliland Md.Yuusuf Faarax Sharmaarke, ayaa go’aankan shalay ku dhawaaqay, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, "Maxakamaddu shalayba way gabo-gabaysay kiiska, waxaanay 2:30 kii soo saartay xukun labada Eedaysane ku wajahan, Gacan ku dhiigle Maxamed Cabdillaahi Cabdi, oo Askari Boolis ah waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, Alifle Maxamed Axmed Ismaaciil, waxaa lagu xukumay 10 sanno oo xabsi Militari ah", ayuu yidhi Md.Yuusuf Faarax Sharmaarke.

Md.Yuusuf Faarax Sharmaarke, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:"Eedaysanaha 2aad, Ninka wax dilay isagaa u yeedhay oo warbixin been ah oo aan jirin buu siiyay, waa la I jiidhay oo Kaantaroolkii baa xoog la igu dhaafay ee soo gurmo ayuu ku yidhi, cid xoog ku dhaaftayna ma jirin, markuu u yimid doorkii Taliye muu ciyaarin, oo xabadda ha ridin ma odhan, Askarigiina Xabbaddii buu Ninkii ku dhuftay, markii Askarigiisii dilka gaystayna muu samayn inuu gacan ku dhiiglaha qabto iyo inuu Marxuumkii gargaar u fidiyo ee wuu la saftay oo difaac bay wada galeen”, ayuu yidhi Gudoomiye Yuusuf.

Maxkamada ciidamada qalabka sida, ayaa sida oo kale labada askari ku eedaysay in Kaantaroolka magaalada Qotan uu ahaa mid ay iskood u samaysteen oo sharci darro ah.