Taliyahii Hore Ee Booliska Somaliland Janaraal Cilmi Kabaal Oo Shalay Geeriyooday

0
569

2Hargeysa(Geeska):-Alleh ha u naxariistee taliyihii hore ee ciidanka booliska Somaliland Marxuum Cilmi Rooble Furre(Cilmi Kabaal), ayaa shalay ku geeriyooday dalka Talyaaniga. marxuumka oo muddooyinkii danbe xanuun u jiifay ayaa hada ahaa suldaan ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland.

Alleh naxariistiisii janatul fardawsa ha ka waraabiyee Marxuum Cilmi Kabaal, oo hada ahaa suldaan ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa waxaa ka soo kala shaqeeyey qaybaha kala duwan ee ciidmada booliska Somaliland, waxaana uu tobabarkiisii ugu horeeyey uu magaalada Mandheera ku qaatay sanadii 1950kii, waxaana uu markii danbena uu xilal kala duwan oo ciidamada ah uu ka soo qabtay dawladii Somaliya, isaga soo sida oo kalena tiraba saddex jeer loo magacaabay xilka taliyaha ciidanka booliska Somaliland.

Alleh ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cilmi Kabaal, waxaa uu ahaa shakhsi ku suntan kor u qaadista aqoonta iyo shuruucda kala duwan ee ciidamada booliska, tan iyo dib ula soo noqoshadii Madaxbannaanida Somaliland waxa uu marxuumku kaalin weyn ka soo qaatay hawlaha booliiska iyo kor u qaadista heerarka aqooneed ee ciidamada booliska Somaliland.

Tacsiyada madaxda Qaranka:

Ugu horeyn dhambaal uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Somaliland oo uu madaxweyne Siilaanyo Tacsi ugu diray marxuumka ayaa u dhignaa sidan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Booliska, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta 25/03/2015 ku geeriyooday Dalka Talyaaniga.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta Somaliland waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay rukun ka mida rukumada qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti badana u huray dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey talaabo kasta oo qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.

waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga muraacadka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro), ayaa isna waxaa uu dhammaanba tacsi u dirayaa ciidamada kala duwan jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan ciidanka booliska iyo weliba hoggaanka kala duwan ee dhaqanka Somaliland, waxaana uu Illaahay uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana Alleh u naxariisto.

Waxa kale oo guddoomiyaha u uu tacsi u diray eheladii, qaraabadii iyo shacbka Reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hada  ku sugan dalka Norwey ayaa shacabka iyo eheladii uu ka baxay isna ka tacsiyadeeyay Taliyihii hore ee ciidamada booliska Somaliland Marxuum Cilmi Kabaal, waxaana uu yidhi:

"Alleh haw u naxariisto taliyihii hore ee ciidamada booliska Somaliland Marxuum Suldaan Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal), waxa aan ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, eheladii iyo shacabka Somaliland-na uu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo".

Innaa-Lillaahi wa-innaa-Illayhi raajicuun, naf waliba maalinteeda ayey dhimanaysaa, guud ahaana bahda wargeyska Geeska Afrikana, waxaa ay tacsi u dirayaan ehelkii, qaraabadii, madax-dhaqameedkii, ciidanka booliska iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, waxaana ay Illaahay uga baryeyaan in uu samir iyo iimaan ka siiyo isagana Illaahay uu godka u nuuriyo, janatul fardawsana ka waraabiyo. Amiin Amiin.