Maskaxda Qofka U Fiirsigiisu Badan Yahay Waa Ay Ka Adkaysi Garasho Badan Tahay Maskaxda Qofka Kale

0
639

Washington (Geeska)- Cilmi baadhis lagu sameeyey dalka USA ayaa muujisay in fiir-fiirsigu uu kordhiyo firfircoonida maskaxda Bani’aadamka iyo Feejignaanteeda. Khubarada samaysay daraasadda oo ka tirsan yihiin Jaamacad Wisconsin Madison oo ku taalla Maraykanku waxa ay tijaabooyin ku sameeyeen dad farabadan oo badhkood ay khubaro ku yihiin wax u fiirsiga.

Natiijada cilmibaadhistan oo lagu faafiyey Joornaal Aqooneed ay soo saarto akadamiyadda sayniska ee National Science Academy oo iyaduna ka dhisan dalka Maraykanka, ayaa daahfurtay in waxa u fiirsigu uu koriyo maskaxda bani’aadamka, iyo in dadka aad wax ugu fiirsadaa ay in badan dhinaca garaadka ka horreeyaan kuwa ma’oggan.

Cilmibaadhistani waxa ay sheegtay in qofku marka uu wax u fiirsanayo uu u baahanyahay in uu xoog u isticmaalo maskaxdiisa taas oo keenta in maskaxdu ay ku tababarato shaqadaas, waxaana ka dhalatay in qofku uu wax yaabo kale oo kasta oo arrinta uu markan eegayo aan ahaynna uu u fiirsado.

Marka uu qofku wax u fiirsanayo waxaa dhacda in si tartiib ah ay maskaxdiisu ula qabsato isuna diyaariso in isaga oo aan ka mashquulin danihiisii kale uu si hawl yar ugu fiirsado waxa uu rabo, ama si aan doonis ku xidhnayn ay maskaxdiisu wax ugu fiirsato. Arrin kale oo muhiimka ahi waxa ay tahay in dadka dhaqanka u leh wax u fiirsigu, marka ay maskaxdoodu la’ qabsato ay dhacdo in ay adkaato in la dago, (Si sahlan loo khiyaameeyo).

Arrinta kale ee xiisaha leh ee daraasaddani sheegtay ayaa ah in qofka wax u fiirsiga badan ay maskaxdiisu aakhirka adkaysi fiican u yeelato waxyaabo badan oo maskaxda dadka caadiga ahaan khalkhaliya ama ugu yaraan culays ku keena, waxaana ka mid ah, naxdinta, dhawaaqa aad u dheer iyo dhibaatooyinka kale ee laga yaabo in ay dibadda kaga yimaaddaan.