Qisas Uu Nebi Muxammed (SCW) Ka Sheekeeyey: Qoys Uu Qabrigoodii Udgoon Isu Beddelay (Q:1aad)

0
592

Haweenaydii timaha u feedhi jirtay gabadh uu dhalay Fircoon:

Waxa jirtay gabadh ka shaqayn jirtay timo u feedhista inan uu Fircoon dhalay. Maadaama oo ay gabadhani ka shaqaynaysay gurigii Fircoon oo ahaa nin boqora oo Ilaahnimo sheegtay waxa ay iyada iyo qoyskooduba ku noolaayeen nolol aad u raaxo badan. Waxa aanay haysatay kalsoonida Fircoon oo ku aaminay madaxa ubadkiisa, nimcadan iyo badhaadhahan oo ahaa mid cid kasta ay ku hamiyi jirtay in ay mar uun gaadhaa, kamay hor istaagin in ay Ilaahay rumayso kuna gaalawdo Fircoon oo cidda uu wax siiyo iska daa ee dadka kale ku qasbanaayeen in ay Ilaahnimo u qiraan.

Qisadan uu Wargeyska Geeska Afrika afkahooyo u soo rogay, waxaa ka sheekeeyey Nebi Muxammed (SCW) oo sheegay in habeenkii la geeyey samada (Habeenkii la dheelmiyey), markii ay isaga iyo Jibriil sii mareen Masaajidka saddexaad ee Islaamka, Baytal Maqdas, uu uriyey ur uu ka yaabay udgoonkeeda, kuna noqotay wax aanu weligii arag, Nebi Muxammed (SCW), Jibriil ayuu weydiiyey urtaasi waxa ay tahay, waxaana dhex martay sheekadan:

Nebiga: Walaalkay Jibriiloow, Waa maxay urtan udgoon ee ina qaaday?

Jibriil: Waa urta Qabri ay ku aasan yihiin gabadh u feedhi jirtay Inan uu dhalay Fircoon, ninkeedii iyo wiil ay dhaleen.

Nebiga: Bal sheekadooda I dhamaystir.

Jibriil: Gabadhan iyo ninkeedu waxa ay ahaayeen dad Iimaan leh oo aad u Alle ka cabsi badan, waxa aanay iimaankooda ka qarsan jireen Fircoon, iyaga oo qof kasta oo ay arkaan in aanu khayrku ka dhammaanna u sheegi jiray iimaanka iyo in uu Ilaah keliyi jiro, lagana rabo in uu kaas rumeeyo. Feejignaantu ma baajiso Qadarka, duniduna waa guri imtixaan oo Rabbi ugu talagalay in lagu kala saaro dadka.

Nebiga: Laakiin sidee lagu ogaaday iimaankooda ay qarsanayeen?

Jibriil: Maalin maalmaha ka mid ah iyada oo gabadhani timaha u feedhaysa, ina Fircoon, ayaa ay gadh-feedhii ka dhacday, si ay u soo qaadato inta ay foorarsatay ayey tidhi, Bismilaah, Ina Fircoon ayaa maqashay bisinkan ay gabadhu qabsatay kadib inta ay ka heshay ayaa iyada oo ku faraxsan sida aabaheed loo rumasan yahay wax ay tidhi, “Ma aabahayga Ilaaha weyn ah ayaad u jeeddaa”

Akhriste u fiirso quwadda uu leeyahay Iimaanka gabadhani, haddii ay rabto in ay badbaaddo iyada oo aan been sheegin ayaa ay ka aamusi lahayd jawaabta inantan yar. Laakiin sidaa ma’ay yeelin. Cadhada ay ka qaaday Fircoon Ilaahnimada uu sheeganayo darteed iyo inantan yar ee diin la’aanta lagu ababinayo oo ay u adkaysan weyday, iyada oo og in nolosheedu ay halis ku jirto ayaa ay u badheedhay in ay qirato iimaankeeda, markaasay inantii yarayd ku tidhi, “Maya..! Aabahaa uma’ jeedo, waxa aan u jeeda magaca Allaha abuuray cirka iyo dhulka, Rabbiga iska leh dunida”

Inantii yarayd: Oo weli u haysata in gabadhani ay aabaheed ammaanayso, maadaama oo aanay iyadu aqooninba in uu Alle aan aabaheed ahayni jiro ayaa tidhi, “Waan ku gartay, aabahay ayaad u jeeddaa” La soco…