Japan: Qiso Jacayl Oo Muujinaysa In Jacaylku Uu Yahay Furaha Mucjisoooyinka

0
976

Tokyo (Geeska)- Qormadan maanta waxa uu Geeska Afrika ku soo qaadanayaa qiso uu ka soo turjumay majallad afka Carabiga ku qoran, oo iyaduna ka soo dheegatay qisas ku qornaa Afka Japanese ka.

Waxa jiray wiil iyo gabadh aad isu jeclaa, oo kawada shaqayn jiray meherad lagu sifeeyo sawirada camaradda lagu qaado. Waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah, markii uu wiilkii ka rawaxayey shaqadii uu maaddooyin Kiimiko ah oo lagu sifaynayey sawirada oo uu markaas ku shaqeeyey sii dul saaray kabadh qolka yaallay.

Inantii ayaa markii ay soo shaqo tagtey gelinkii dambe ee ay gudo gashay hawl maalmeedkeedii waxa ay si kedis ah wax uga baahatay halkii ay saarnaayeen biyaha wax lagu sifeeyo ee kiimikada ahi, oo aanay ku ogayn. Haddii ay tiigsatay waxa ku soo rogmaday weelkii ay kiimikadu ku jirtay, qayladeedii ayaanay ku soo yaaceen shaqaalihii kale ee meheraddu. Markii ay arkeen in xaaladdeedu ay halis ku jirtana waxa ay ula yaaceen cisbitaalka oo degdeg loo dhigay.

Inankii kiimikada meesha saaray ee gabadhan ay is jeclaayeen oo isagu aan ogeyn waxa dabadii dhacay ayaa markii uu shaqada u yimi sidii caadiga ahayd, loo sheegay waxa dhacay iyo in inantii uu duni ka doortay taallo cisbitaalka, dhaawac ka soo gaadhay kiimikadaa darteed. Waxa uu xasuustay in sunta ku daadatay inantu ay tahay tii ugu halisaysnayd, oo ay qasab tahay in ay dhaawac kaga tagto inantaas.

Wiiilkii inta uu urursaday wixii meheradda alaab ka taalay iyo sawiradii xusuus reebka ahaa ee ay ku wada jireen isaga iyo jacaylkiisu, uu dhaqaajiyey iyada oo aanay cidi ogayn meel uu tegey iyo sabab uu u tegey midna. Asxaabtii iyo ehelkii inanta ayaa tegey Cisbitaalkii waxa aanay la kulmeen iyada oo xaaladdeedu aad u wacan tahay loona sameeyey qalniin qurxin ah, waxa ay arkeen in ay indhaha wax ka arki karto wax badanna aanay qabin, muddo aan badnayn kadibna inantii waa ay ka soo baxday cisbitaalkii iyada oo ciil iyo cadho badan u qabta ninkii ay jeclayd ee aan marnaba ugu iman cisbitaalka ee weliba sida ay u sheegeen asxaabteedu maalintii shilku dhacay ka tegey shaqadii iyo meheraddiiba. Waxa ay u fahamtay in ninkani markii uu ogaaday dhaawaca halista ah ee soo gaadhay uu go’aansaday in uu ka baxsado, laakiin haddana ma’ay sal fududaan ee waxa ay go’aansatay in aaanay sidaa kaga hadhin illaa ay ogaato waxa dhacay, kana war doonto halka uu ku dambeeyay ninkii.

Muddo markii ay ku noqnoqonaysay meelihii ay ku taqaannay in uu tago xilliyada uu firaaqada yahay ayaa maalintii dambe nasiibwanaag, waxa ay ninkii kula kulantay beer kuwa dadweynaha ee lagu nasto ah oo uu iman jiray. Waa ninkii oo ku fadhiya kursi ku dhex yaalla beertan aadka u quruxda badnayd, xilli ay neecow aad u wanaagsani ka dhacayso. Isaga oo aan dareensanayn ayaa ay xagga dambe kaga timi, waxa wejigeeda ka muuqatay cadho aan xad lahayn waxaanay celin kari la’ayd ilmada, waayo waxa ay xasuusnayd halka uu kaga tegey ninkani in aanay ahayn meel, Jacayl ha joogo ee aadame damiir lihi ku kala tegi karin. Inta ay soo hor istaagtay ayaa ay damacday in ay la hadasho, iyada oo ilmaynaysaa, arrinta wixii hore oo dhan illowsiisay waxa ay ahayd markii ay aragtay isaga oo aan doonayn in uu la hadlo, xitaa muu soo eegin.. waa maxay sababtu?

Ninkani waa uu indho la’ yahay oo waxba ma’ uu arkayn. Waxa aanay arrintaas gabadhii aqoonsatay markii uu kacay ee ay aragtay isaga oo ku tukubaya usha hagta indhoolayaasha. Naxdin iyo amakaag ayaa uu arrinkani gabadhii ku noqday, waxa aanay baadhay waxa jacaylkeedii indhaha kaga dhacay. Aakhirkiina waxa ay ogaatey in markii uu ninkani ka soo baxay meheradda uu toos ugu tegey dhakhtarka la geeyey gabadhan. Markii dhakhtarkii daweynayey xaalkeeda uu ka waraystayna uu u sheegay in ay indho beelayso, oo sida keliya ee aragga loogu badbaadin karaa ay tahay in la helo qof ugu deeqa indho, maadaama oo aanay shabakadda araggu waxba qabin.

Ninkii markiiba inta uu orday ayaa uu doontay dammaanad, waxa aanu cisbitaalkii isu diiwaangeliyey in uu isagu indhihiisa ugu tabarucayo gabadha, shardiga keliya ee uu ku xidhayaana ay tahay in aan gabadhan loo sheegin in indhaha ay ku socotaa aanay kuweedii ahayn. Waxa uu go’aansaday in maadaama oo uu indhihiisii iyada siiyey isna uu imika wixii ka dambeeya yahay indhoole, sidoo kalana uu yahay dan yar garab rarato ahaa oo aan indho la’aan xoogsan Karin, maadaama oo aanu damaanad qaadi Karin nolosha dhaqaale ee looga baahan yahay haddii uu guursado gabadhan uu jecel yahay in uu iyad u dhaafo nolosha wanaagsan iyo araggaba. In uu u ogolaado in ay quruxdeeda ku waarto raadsatana nin hanan kara oo aan naafo ahayn, isna waayaha iyo waqtiga u dhaafo halka ay geynayaan.