Imisa Ayaa Ku Baxda Ammaanta Madaxweyne Siilaanyo?

0
765

???????????????????????????????

Shir weynihii xisbigii hanti wadaaga kacaanka somaliyeed waxyaalihii lagaga hadlayey iyo heesihii qiirada lahaa iyo ereyadii lagu amaanayey, Maxamed Siyaad Barre ayaa maantana lagu Amaanayaa Axmed Siilaanyo, haddaad yara daawato t.v.ga Axmed Siilaanyo ama aad akhrido wargeyska Dawan ama aad dhegeysato idaacada Hargeysa, waxa markiiba ku hor imanaya idaacadii Muqdisho t.v.gii Muqdisho iyo wargeyskii Xidigta Oktoobar.

warar xogogaala ayaa sheegaya inay lacagta ku baxda amaanta Axmed Siilaanyo gaadhayso laba boqol oo Kun oo Doolar bishiiba, waxyaalaha xuusta mudan xiligii Maxamed Siyaad Barre waxa ka mid ahaa xaflad ay iskugu yimaadeen golahii sare ee Kacaanka iyo Kaadiriintii xisbiga Hanti wadaaga kacaanka Somaliyeed, waxa halkaas si layaab leh loogu amaanay Maxamed Siyaad Barre, heeso gabayo buraan- bur wixii amaan jirtey ayaa lagu siidaayey, iyadoo farxadii lagu jiro ayuu nin xariifa oo caqli badani soo kacay, mikirifoonkii ayuu qabsaday waxaanu ku bilaabay hadal kiisii ilaa maanta Maxamed Yare ayaa ka hadleyseen, markuu intaa yidhi ayaa lawada naxay oo la is wada eegey wuxuu yidhi I soo eega dhamaantiin miyaa taqaaneen Siyaad Garba weyne isagaa ku dhalay geesinimada Maxamed Yare.

isagoo hadalkii sii wata ayuu raaciyey Siyaad Garba weyne wuxuu ahaa ninkii xoreeyey meeshan aynu joogno Talyaanigi wuxuu ka qaadi kari waayey dhaawcii Xaawo Taako, markuu garabka saartay waxaanu intaas raaciyey imikana shan mirir haloo aamuso, markaasaa la is wada taagey oo shantii mirir loo aamusay intaas ka dib Maxamed Siyaad Barre ayaa soo kacay gacanta ayuu ninkii qabsaday wuxuunu ku yidhi waxan oo taariikha xageed ka keentay? waxaanu uugu jawaabey weligeyba waan hayey dabeeto Maxamed Siyaad Barre ayaa labadoodii gacmood kor u qaaday waxaanu dadkii ku yidhi sida kaadirkaa taariikhda baadi doona habeen kiiba waxa lagu magacaabay agaasimaha guud ee wax barashada markay intaasi dhacday ayaa waxa ninkii qabsaday nin ay wada socdeen saaxiibna ahaayeen waxaanu ku yidhi saaxiib maxaad amaanta in yar iigu reebi weydey? wuxuu uugu jawaabey saaxiib hooyadii ayaan kuu reebaye maalinta dambe ku sii daa.

Haddaba, akhriste miyeynaan halkaas u dhaweyn?

W/Q: Mujaahid Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraare)