Dabeecado Haddii Aanad Degdeg U Joojin Kugu Keeni Kara Khatar Caafimaad Darro Oo Nafsi Ah (2)

0
683

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Labaad ee taxanihii uu Wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey dabeecado iyo caadooyin shakhsi ah oo dad badani joogto u sameeyaan laakiin ay qasab tahay in dhaqso loo joojiyo, haddii kale u dhow in ay burburiyaan caafimaadka nafsiga ah ee qofka, noloshiisana cadaab u rogaan. Waxa aanay yihiin:

11. Weligaa naftaada ha u sheegin in aanay isbeddel diyaar u ahayn. Ma jiro qof dunida ku nool oo naftiisu ay boqolkiiba 100 dareento in ay is beddel u bisishay, xitaa kuwa isbeddelka keena ma ka faa’idaysta, marka hore naftoodu ma cabsi la’a, markaa ku dhiirro.

12. Iska ilaali xidhiidhada sababta u noqon kara qaladka.

13. Xidhiidh iyo saaxiibtinimo hore oo kaa fashilantay awgeed, ha u diidin in aad xidhiidho cusub iyo saaxiibbo cusub samayso.

14. Weliga ha isku dayin in aad qof kasta la tartanto, cid kastana ha isku dhererin.

15. Iska jir in aad ka hinaasto wax qayrkaa haysto.

16. Ha is barin cabashada badan iyo in aad si joogto ah u qoomamayso qalad mar hore naftaadu gashay, halkii ay ka ahayd in aad ka dhigato uun dersi aad kaga taxaddarto in qaladkaas oo kale mar kale kugu soo noqdo.

17. Iska ilaali calool xumada iyo in qaladaadka dadka kale kaaga yimaaddaa ay ku guntamaan uurkaaga.

18. Qayrkaa ha u ogolaan in ay kugu riixaan halka ay doonayaan ama heerka ay ay dadka kale kula macaamilaan oo adigu aanad u arkayn in uu naftaada u qalmo.

19. Waqti ha iskaga lumen in aad dadka u sharraxdo una sababayso berinimada naftaada.

20.  Weligaa ha ku celcelin hawl aad hore u samaysay natiijadeedana u aragtay oo aad og tahay in ay ku dhammaanayso isla natiijadeed hore ee aanad doonayn oo kale.

21. Ha dhayalsan farxadda iyo in aad u muujisoo shucuurtaada badhaadhaha ah.

22. Ha isku mashquulin in hawl kasta oo aad qabataa ay ku dhammaato sida ugu dhamayska tiran, haddii kale aad ka joogto.

23. ISka jir in laba talo oo kasta aad doorato tooda fudud ee aan kaaga baahnayn dadaalka iyo tacabka badan. Mar kasta ha doonin in aad dariiqa fudud marto, ee mararka qaarkood ku dadaal in aad samayso ficillo dadka qaar u arkayaan in aanay caadi ahayn.

24. Iska jir in aad mar kasta ku dadaasho inaad muujiso in wax kastaa ay saxan yihiin ama halkii ugu wanaagsanayd joogaan iyada oo aanay sidaa ahayn. Ma jirto dhib ka xanuun kulul in aad ku noolaato xaalad ah is diidsiinta duruuf run ah oo jirta.

25. Iska jir in aad dadka kale ku canaanato mushkilado adiga ku haysta.

26. Ha isku kallifin in aad wax kasta adigu sed bursi ku hesho ama sida caddaaladda ah aad uga qayb gasho, ogolow in aad marar badan ku qanacdo in lagaa sad bursado.

27. Iska jir warwar joogto ah iyo diiqad nafsi ah oo aanad garanayn sababtiisa runta ah iyo in sababtaasi u qalanto dhibta shucuurtan ka soo gaadhaysa naftaada.

28. Maankaaga iyo maalkaaga oo dhan ha isugu geyn in aad ka hortagto sidii aanu u dhici lahayn wa aanad doonayn.

29. Ha isku kallifin in aad mar kasta dadka tusto in aad xaalkii ugu fiicnaa ku jirto.

30. Xaal k asta oo ku soo mara Alle ugu mahadnaq macaan iyo qadhaadh mid kasta oo uu yahay. Dhammaad.