Shaqooyin Hoose Oo Sagaal Madaxweyne Oo Maraykan Ahi Soo Mareen Xilka Ka Hor (Qaybta2aad)

0
565

Picture9Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika kaga waramayey sagaal madaxweyne oo Maraykanka soo maray, oo noloshoodii carruurnimo iyo xilliyadii caannimada ka horreysay soo maray shaqooyin qallafsan oo marka imika magacooda la xasuusto aanay rumaysashadoodu maskaxda ku soo degdegeyn.

Waa run in ay jiraan madaxweynayaal soo maray Maraykanka oo xilka ka hor ku soo badhaadhay nolol aad uga ladan ta ay ku nool yihiin inta badan ee dadkan doortay, sida Ilma Roosevelt oo ay ka mid ahaayeen, Theodor Roosevelt oo ahaa madaxweynihii 26aad iyo Ina adeerkii Franklin Roosevelt oo isna noqday madaxweynihii 32aad, waxaa kale oo ka mid ahaa labadii madaweyne Bush ee is-dhalay iyo John F. Kennedy. Laakiin haddana taas macnaheedu ma’aha in aanay jirin madaxweynayaal kale oo soo maray Maraykanka oo iyagu nolol adag iyo shaqo hoose soo maray, aynu ku sii soconno kuwo kalana:

2. Ronald Reagan: Saabaan xale, samato-bixiyaha goobaha dabbaasha:

Madaxweynihii 40aad ee Maraykanka Ronald Reagan ayaa la sheegay in dhalinyaronimadiisii gaar ahaan markii uu dugsiga sare ku jiray uu ku shaqaysan jiray xirfadda dabbaasha oo uu aad ugu fiicnaa, xilliyada xagaaga ayaa uu tegi jiray webiga Rock oo mara magaalada uu u dhashay ee Dixon, kadibna uu ku lacag qaadan jiray in uu soo badbaadiyo dadka dabbaasha u yimaadda webiga ee garan waaya ama si uun ay uga xumaato eek u sigta in uu webigu liqo. Reagan shaqadan oo uu ku qaadan jiray gunno aad u yar waa uu ku badbaadiyey dad tiradoodu dhan tahay 77 oo la sheegay in badbaadadooda uu isagu sabab u ahaa, kadib markii uu dabbaal kaga soo saaray webiga oo ay ku qaraqmeen.

Reagan oo ku soo koray nolil faqiirnimo ah ayaa markii dambe ee uu galay Kulliyadda Eureka ee Illinois, saacadaha firaaqadiisa waxa uu ku biiray deeq-waxbarasho oo ahayd barashada kubadda cagta, lacagta oo aanu iska bixin karayn awgeedna waxa uu tegi jiray guryaha iyo hudheellada oo inta uu weelka u soo xalo uu ka qaadan jiray lacag yar oo uu ku kabo kharashka waxbarashadu uga baahan tahay.

Reagan markii uu jaamacadda ka qalin jabiyey sannadkii 1932kii waxa uu shaqo ka helay Idaacad lagu magacaabo WOC oo xarunteedu tahay gobolka Iowa, waxa aanu soo gudbin jiray ciyaaraha oo ciyaartii kasta lagu siin jiray 10 doolar oo gunno ah.

Markii dambana Reagan waxa uu u wareegay dhinaca jilidda filimada waxa aanu shaqo ka helay shirkadda soo saarista filimada Maraykanka caanka ku ah ee Hollywood toos oo uu muddo dheer u shaqaynayey illaa uu siyaasadda uga soo digorogtay akahirkii. La soco madaxweyne kale iyo shaqooyinka liita ee uu soo maray…